Daawo: Gen. Saacid Oo Kulan Kula Qaatay Stadium Muqdisho Saraakiil Boolis Oo AMISOM Ah.

0

gen saacidMuqdisho (AGGM): Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid “Saacid” iyo saraakiil kale ayaa maanta garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho kula kulmay saraakiisha sar sare ee Booliska AMISOM, kaasi oo looga hadlay adkeynta amniga.

Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid “Saacid” iyo saraakiisha uu horkacayay marka ay gaareen  Stadium Muqdisho waxa ay soo kormeereen qaybaha kala duwan ee ciidamada AMISOM ka deganyihiin garoonka kubadda cagta, isagoo halkaasi ku soo arkay qalabka loogu talagalay in looga hortago marka ay dhacaan dibad baxyada rabshada wata.

Kulanka oo ahaa mid ay alaabada u xirnaayeen ayaa markii uu soo idlaaday kadib waxa uu Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed uga warbixiyay saxaafada waxyaabihii ay ka wada hadleen oo ay ugu horeysya xoojinta wada shaqeynta Booliska AMISOM iyo Booliska Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in ay horey labada ciidan howlgallo wada jir ah ka fuliyeen Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu Taliyaha ka hadlay sida amniga ay uga shaqeeyeen booliska oo ay xiliyada habeenkii goobaha qaar ay tahay mid ammaankeedu sugan yahay, ayna jiraan baro cayiman oo ciidanka loo sameeyay, taasi oo uu ku tilmaamay in ay qayb ka tahay adkeynta amniga,

Kormeerka uu Gen. Saacid ku tegay garoonka Stadium Muqdisho iyo kulanka uu la qaatay saraakiisha ciidanka Booliska ayaa ah mid looga gol’leeyahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa booliska Soomaaliyeed iyo kan AMISOM.gen saacid

jen 7 jen 5 jen 4 jen3 jen 2 jen1 jen

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com