Abaanduulaha Ciidamada XD Soomaaliya Oo Maanta Muqdisho Ku Soo Laabtay.

0

abandule_10Muqdisho (AGGM): Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed General C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safaro shaqo uu ku joogay maalmihii la soo dhaafay goablka Galgaduud,  iyadoo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ku soo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxaa uu howlo shaqo uu ku joogay gobalka Galgaduud iyadoo ay la socdeen wafdi uu ka mid ahaa gudoomiyaha maamulka gobalka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo.

Intii uu ku sugnaa gobalkaasi Abaanduulaha Ciidamada xooga Dalka Soomaliyeed General C/risaaq Khaliif Cilmi waxaa uu booqday degmooyinka Guur ceel, Dhuusa mareeb, iyo caabudwaaq, waxaana uu soo furay xerada 21aad ee magaalada Dhuusa mareeb halkaasi oo loogu shaqeyn doono  ciidanka Milatariga sidoo kale waxaa uu mideeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugnaa gobalkaasi.

Safarka abaanduulaha uu ku joogay gobalkaasi  oo qaatay 7 maalmood ayaa waxaa uu ka soo qabtay howl muhiim u ah shacbiga Soomaaliyeed taa oo ay ugu weyntahay in la mideeyay Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Ahlu Sinna Waljamaaca oo gobalkaasi inta badan ka saaray maleeshiyaadka Kooxda Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com