Dhageyso: Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Jawaabey Hogaanka Puntland

0

DSC05432Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka jawaabey hadallo deel qaaf ah oo maalmaha ka soo yeeray Hogaamiyaha waqtgiisu dhamaaday ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole  ayaa sheegay in Faroole uusan ahayn qof caadi ah isla markaasna hadaladiisu aysan ahayn kuwo fadhiya.

Madaxweynaha oo su,aalo la waydinayey ka jawaabayey ayaa shaaciyey in Faroole wax kasta oo dhinaca wanaaga uu ka soo horjeedo isla markaasna uusan dooneyn in dalka Soomaliya nabad iyo horumar gaaro,waxaana uu sheegay inuu faroole yahay qof jecel dhibaatada iyo burburka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaa uu daboolka ka qaaday inuusan aqoon wax sababay hadalada ka soo yeeraya Maamulka Puntland ee ku aadan inay xiriirka u jareen dawlada federaalka ah,waxaana uu shaaciyey inuusan ogeyn wax khaladaad ah oo dawladu ka gashay Maamulka iyo shacabka Puntland.

Ugu dambeyntii waxaa hadalkani imaanaya xilli dhawaan Hogaanka Puntland lagu xiray Magaalada Addis Ababa xilli uu doonayey inuu qas iyo lab dhex dhigo madaxdii kulamadu uga socdeen magaalada Addis Ababa,waxaana la sheegay in Hogaanka Puntland Faroole saacado badan ku xanibnaa garoonka Addis Ababa isla markaasna 24 saac ka dib loo masaafuriyey magaalada Nairobi.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/DHAGEYSO-JAWAABTA-MADAXWEYNAHA-SOOMAALIYA-EE-FAROOLE-KU-SOCOTA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgagalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com