Qaladaadka Dowladda & Qalalaasihii Jubbaland. By. Maxamed Xasan Haliil

0

Haliil 1Sida aan Lawada Socono Dowlada Soomaaliya & Maamulka uu Hogaaminaayo Axmed Madoobe Waxaa Madal & gogol loo dhigay Magaalada Adis – Ababa taas oo ugu danbayntii Heshiis ay labada dhinac ku kala Saxiixdeen , Hadaba Markaad si Qota dheer u eegtid Qodobada Heshiiska Wuxuu Noqonayaa Mid Ka Tarjumaayo Daciifnimada  Dowlada Federaalka Soomaaliya  oo Si dadban Axmed Madoobe ugu Gacan galisay Deegaanada Jubboyinka oo Qilaaf Xoogan u Kataagnaa dhiig badana kudaatay , Aragtidayda Magacii Jubbaland oo la badalay Micno Ma lahan Mana Keenaayo Isbadal Kusalaysan Higsasho Siyaasad Cusub & Himilo  Xanbarsan Soo Afjarida Wadiiqadii Dagaal & Ismaandhaafkii dhaliyay Daadashada dhiig badan Sababayna Qalalaaso Ku Salaysan Hayb Sooc beeleed .

Cidna Kama Qarsoona Wixii Ka dhacay Kismaanyo & dhibaatadii ugu danbaysay ee Galaaftay Nolosha Boqolaal qof oo Soomaali ah, hadaanse inyar dib u Milicsado Jaangoyntii Siyaasadii Sababtay Dagaaladii Kismaanyo Waxaa Qayb libaax leh Ka Qaatay Dowlada Soomaaliya oo hifanaysay Hanashada Dakada & Airport- ka  Kismaanyo & Jabhada Raaskanbooni oo Fulinayso Dano daahsoon & Damaaci Muuqdo oo Kenya ay ka lahayd Deegaanka Hodanka ah ee Jubbaland  Waxaase Musiibadaas Ku Waxyeeloobay Dadkii Asalka & Jirida u ahaa Deegaanada Jubbooyinka Kuwaas oo Taangiyada & Maraakiibta dagaal ee Kenya Lagu baacsaday laguna Xasuuqay , Waxaana Xaqiiq ah Beelo Badan oo Asal u ahaa Fidinta Nidaamka Siyaasada Dowlada madaxweyne Xasan Sheekh in Lagu Bahdilay Shirkii Adis – Ababa Balse inta aanan Gorfayn oo aanan Cadayn dhaliisha uu leeyahay Heshiiskii Adis – Ababa & Qaladaadka ay  Dowlada ay gaysatay intuu Socday Shirka Adis-Ababa ,   aan dib u Milicsado Daraasad kooban oo La Xiriirto Dagaaladii Kadhacay Kismaaynyo & ujeedadii ay ku Qotameen .

Tiro laba Jeer Dagalo Xoogan ayaa Ka dhacay Magaalada Kismaanyo Dagaaladaasi oo Lahaa ujeedooyin Siyaasadeed & Ismuujin Beeleed ayaa Waxaa Si weyn ugu Lug Lahaa Dowlada Soomaaliya , Maamulka C/raxmaan Faroole , Dowlada Kenya oo dano aan daahsooneen ka Leh Gobolka & beelaha Deegaanka oo intooda badan Waday Xifaaltan & ismuujin Ku Salaysan Deegaanka & Waliba Muruqa ay Beel kasto Kuleedahay Deegaanka .

Soomaali badan oo aan aniga Ka Mid ahay arrinta Jubooyinka Waxaan u Arkaynay , Hadaf Ku Salaysan Hirgalinta Aragtida Dowlada Soomaaliya & Fidinta Maamulkeeda oo ay Wadeen Beelaha Sade Daarood , Gaaljecel , Cowr-Male , Shiiqaal & Kuwa Kale oo ay isku Xulufa ahaayeen Waxayna Marwalbo Talada Deegaanka Ka dhigaayeen Mid u Taal Umada Soomaaliyeed & Dowlada Dhexe ee Soomaaliya Waxaana dhanka Kale Ka Soo Horjeeday Beesha Absame oo Taageero Militiri & Mid dhaqaalo ka helayso Dowlada Kenya & Maamulka Puntland ee uu Hogaamiyo C/raxmaan Faroole Kuwaasi oo Lahaa Dano ka dhan ah Jiritaaanka Dowlada Xasan Sheekh Haba kala Duwanaadaan Danahaase  , Waxaan ayaduna Meesha Siyaasad Muuqato Kulahaa Dowlada Soomaaliya oo Raadinayso in Siyaasadeeda & Hanaanka Maamulkeeda Ka Tilaabsado Magaalada Muqdisho , Waana Hubaal Rabitaankii Dowlada Soomaaliya inay u Nafwaayeen Dad badan Sidoo Kalana Taageerida Dowlada Soomaaliya Waxaa lagu Colaadiyay laguna Barakiciyay SHacab Taag daran oo eersaday Siyaasada Dowlada oo ay u dhaga Raaricyeen  Maxaase dhacay .

Dowlada Soomaaliya oo aad Moodo inay tahay Jabhad La Siman Raaskanbooni ayaa Magaalada Adis – Ababa Mudo Kula Gorgortamaayay Axmed Madoobo oo Ku Shaqaynaayo danaha C/Raxmaan Faroole & Raga Ku Kacsan Dowlada ee Jalaafooyinka  Ka dhanka ah Wado oo ay ugu Horeeyaan C/Wali Gaas , Cali Khaliif Galayr & Geedi oo Mansab doon ah dantoodana ka dhex arkay inay Jilbaha dhulka ugu dhuftaan  Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh , Maba Xumee Dowlada Waxay Ogolaatay in ergada Jubbaland uu Hogaamiyo Cumar C/rashiid oo deegaan ahaan Ka Soo jeedo Maamulka Puntland kaas oo La aaminsanyahay inuu Si toos ah u Matalaayo C/faroole , ayada oo aanba Madasha Lagu Soo hadal qaadin Umada Soomaaliyeed ee dagto Jubbaland kuwaas oo u dhintay u dhaawacmay loona Barakicayay  Taageeradii ay u Muujiyee Dowlada Soomaaliya Taas oo ah Godob & eex laga galay Bulshada Jubooyinka Mana Muuqato Saamaxaad ay Fidisay Bulsha weynta  Reer Jubbalan Sidoo kalana wali Lama hayo Raali garayn & Qancin Ka timaado dhanka Dowlada si ugu Yaraan Loo dhiso Mooralka & Niyada dadkii Aragtida Dowlada Xamar joogto kuwaayay Naftooda hantidoodana Lagu banaystay .

Qaladaadka Dowlada Ay Gashay Shirkii Adis – Ababa .

Wadarta Qodobadii Lagu Heshiiyay waxay ahaayeen dhowr & labaatan Qodob Kumana Jiro Hal Qodob oo Xal u ah Arimaha Qalafsan ee Beelaha & Bulshada Jubooyinka inta badana waa kuwo  u faa’iidaynaayo Axmed Madoobe oo aanan Wadan Xulufo Deegaan oo ka Baxsan in Yar oo Hayb ahaan ku Raacday Kuna Taageertay Waxaana Lagu Xaqiray Umad Farabadan oo Isku Bahaystay dan Qaran & Mid deegaan hadaanse Muujiyo inta aan Ka gaaro Xusuusta Maskaxdana ay ii ogolaato Xusidooda Waaa Kuwaan hoos Ku Tixan :

1.Dowlada Soomaaliya Waxay gashay Qalad La Xiriiro Nidaamka Wada Xaajoodka Waayo Beelihii wada Dagay Jubbaland waxay Kala Kulantay Axmed Madoobe oo Beeshiisa Mooyee Cid kale Taageero Ka haysan .

2. Dowlada waxay Qalad Kugashay inay u Ogolaatay Cumar C.rashiid inuu Qayb ka ahaado Wada Xaajoodka Halka dadkii Deegaanka u dhashay dhibaatada ugu darana ay Kala dhexaysay Axmed Madoobe aanba Magacooda La Xusin oo ay Noqdeen suul Fara Kama tirsano .

3.Dowlada waxay Markale Ogolaatay Arinkii Gacan Ka hadalka Sababay dhiiga Badadana Ku daatay oo ahayd Ismagacaabidii Axmed madoobe .

4. Dowlada waxay Qalad ku gashay Heshiiskii La Saxiixay Marnaba laguma Xusin Mudnaanta ay leeyihiin & Masiirka Danbe ee Ciidamadii Mabda’a Dowlada Ku dagaalamaayay Duurkana ilaa hada Ugu jiro .

5. Dowlada Waxay Qalad ku gashay in Shirka Xamar Ka dhacaayo ay Axmed Madoobe uu Oga Qayb Galo Maqaam Hogaamiye taas oo Shaki Galisay in Ergada Ka Qaybgalaysana uu Asaga Soo Xulanaayo , taas oo arinta Ka Dhigayso Cunaqabatayn Ka Daran Madficii Kenya kulaysay dad badan oo Ka Soo Horjeeday Axmed Madoobe Kana Dhigayso Shacabka Jubbaland nin Hal Guran Qaraacay dhana uma Fiyooba .

Gabagabadii Waxaan Qoraalkayga Ku Soo Afmeeraya inaan Xusuusiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Arin  uu Hilmaamay kaas oo asagana dhabar Jab ku ah Bulshada Reer Jubbaland aydin & een aan harin ku ah Waxaana Xusuusinayaa Madaxweynaha in Reer Jubbaland aysan Mudnayn inuu Meel Cidla ah dhigo Waayo Waa  dadkii aragtida dowlada Xambaarsana ahaana in Laga Talagaliyo , Fikir Buuxana Kama haysto Sababta Dowlada Soomaaliya u  doorbiday inay Gorgortan Siyaasadeed la gasho Axmed Madoobe Mana garan Karo in Madaxweyne Xasan uu dan biday inuu Wadiiqadaan Ku Yareeyo Cadaadiska Siyaasadeed ee haysto asagoo ka iishay iskana Indha tiraayo dhibanayaashii Dartiis u waxyeeloobay , hadaysa Jirto Fikirkaan Waxaa Xaqiiq ah in laga eexday Bulshada Jubbaland oo hadii ay Taageeri lahaayeen Aragtidii Kismaayo Lagu waday ayba Suuragal ahaan Lahayd in  dhidibada Loosiibo Dowlada Xasan Sheekh .

W/Q Maxamed Xasan Haliil
Cellphone : +27735918316
haliil99@hotmail.com
haliil99@yahoo.com
haliil.som@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com