Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiya Xaaji Iyo Wafdi Ay Hoggaaminyeyso Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

0

Fowsiyo-MuqdishoMuqdisho (AGGM): R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay kadib booqasho qaadatay hal todobaad oo ay ku tagtay dalka Shiinaha.

Wafdi ay hogaaminayso R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyadoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen xubno ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin kale.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo shir Jaraa’id ku qabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegtay iney ka soo laabatay booqasho ay ku tagtay dalka Shiinaha,  iyadoo sheegtay in safarkaasi uu ahaa mid guul weyn laga soo gaaray iyadoo intaa ku dartay in dalka Shiinaha uu aad u daneynayo Soomaaliya islamarkaana ay jecelyihiin horumarka Soomaaliya.

‘’Waxaa nala geeyay gobollo kala duwan oo ay ku jirto caasimada Bijiin oo uu ka mid yahay gobol la yiraa Mangooliya iyo magaalada ganacsiga ee Shangahai oo naloogu talagalay inaan wax ka aragno horumarka ay gaareen iyo sida wax looga barankaro dalka Shiinaha waa dal aan leenahay cilaaqaad dheer’’ ayeey tiri Fowsiyo yuusuf Xaaji Aadan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaantay in dowlada Shiinuhu ay diyaar u tahay in si isku mar ah ay gobolada dalka uga bilaabidoonaan mashaarciic horumarineed oo wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed.

R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in dowlada Shiinuhu ay dhawaan fulindoonto mashaarciida ay balanqaaday iney dalkeena ka horgelineyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com