Ismari-waaga Qaramada Midoobay Ee Suuriya

0

130827102741__69490346_69489720London(AGGM) Ruushka ayaa diiday go’aan ka soo bixi lahaa Qaramada Midoobay oo suuragelin lahaa in tallaabo laga qaado Suuriya. Maraykanka ayaa u muuqda in uu haatan ka quustay in uu taageero ka hela Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu tallaabo uga qaado Suuriya.

Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in uusan weli go’aan ku gaarin in dalkiisu qaado tallaabo militeri. Obama ayaa sheegay inay iska caddahay in dowladda madaxweyne Bashar Al Asad ee Suuriya ay dad rayid ah u adeegsatay hubka wax gumaada ee kiimikada.

Ruushka ayaa ku gacansayray qaraar qabyo ahaa oo la hor keenay shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Ammanka.

Maraykanka ayaa Ruushka ku eedeeyay macangagnimo.

 Ismari waaga Qaramada Midoobay

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka Marie Harf ayaa sheegtay in Maraykanka uusan oggolaan doonin in isamri waaga diblumaasiyadeed uu difaac u nqodo dowladda suuriya.Qaraarka oo ay dawladda Britain soo diyaarisay waxaa looga gol lahaa in in uu waddada u xaaro tallaabo, sida hadalka loo dhigay, lagu difaacayo dadka rayidka ee suuriya.

Ruushka ayaa isaguna waxaa uu hoggaamiyaa isbaheysi caalami ah oo lagu taageerayo dowladda Suuriya.

Waxa uu doonayaa in laga warsugo kormeerayaasha Qaramada Midoobay ee ku sugan Suuriya oo la filayo inay warbixin ka soo saaraan hubka kiimikada ee Suuriya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com