Dowladda Turkiga Oo Sheegtay Inay Dedejineyaan Dib U Dhiska Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

0

aden cade airportMuqdisho (AGGM): Dowladda Turkiga ayaa sheegtay iney xoojineyso mashaariicda hormarineed ee ay ka waddo gudaha magaalada Muqdisho,  ayadoo mashaariicdaasi ee ugu horeeyo dib u dhiska Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida ay uu sheegay Masuul ka tirsan Dowladda Turkiga in howlaha lagu horumarinayo ama dib loogu dhisaayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay sii wadayaan Shirkado isugu jira Turki iyo Soomaali.

Sidoo kale waxaa jira wakaalada horumarka iyo xiriirka caalamiga ah ee Turkiga ay dhiseyso waddo dhererkeedu yahay 23 K.M. taasoo isku xireysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada inteeda kale.

Dhanka kale dib u dhiska Shirkadaha Turkigu ku kordhinayaan garoonka Aadan Cadde ayaa la sheegay in sanadkii ay garoonka isticmaali karaan 1.8 Milyan oo qof, iyadoo dowlada Turkigu ay tilmaantay iney dedejineyso mashruuca dayactirka garoonka diyaaradah Aadan Cadde.

Si kasta ha ahaatee Wasiirka arrimaha dibada Turkiga ayaa sheegay in kooxaha argagixisadu ay hortaagan yihiin horumarka Soomaaliy, wuxuuna intaa raaciyay iney sii wadi doonaan taageerada ay u fidinayaan shacabka iyo dowladooda.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ku dhowaad Afar Boqol Milyan oo Doolar ay ku bixineyso gargaarka iyo horumarinta dalkeenna Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com