Dhageyso: C/raxmaan Faroole Oo Maanta Dib Looga Soo Celiyay Airporka Addis Ababa.

0

faroole1Addis Ababa: Wararka Ka Imaanaya Magaalada Adis Ababa Ee Dalka Itoobiya Ayaa sheegay In Madax weynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Max’uud faroole maanta loo Diiday In Uu Gudaha U galo Magaaladaasi.

Madax weynaha Ayaa la sheegay In Uu ka Amba baxay Dalka Kenya Isla Markaana Markii Uu Ka Dagay Air Port-ka Adis Ababa Ay Is hortageen Ciidamada Amaanka Ee Air Port-ka Kuwaas Oo U sheegay In Aan Loo Ogoleyn In Magaalada Uu Gudaha Uu Galo.

Muran badan Kadib Faroole Ayaa la sheegay In Uu Dub Ugu Soo Noqday Dalka Kenya Oo Uu markii Hore Ka dhaafay,Ujeedka Safarkiisa Ayaa la sheegay In Uu ku wajahnaa Kulan Uu rabay In Uu la qaato Xubnihii Maamulka Axmed Madoobe U matalayay shirkii Itoopiya Kusoo Idlaaday.

Ilo Lagu kalsonaan Karo Oo ay Heshay Idaacada Dalsan Ayaa sheegaya In Arinkan Ay ka Dambeyso Dowlada Somalia Islamarkaana Ay Amar ku bixisay In Aan Loo Ogolaan Lakulanka Xubnaha Axmed Madoob.

Mr,Faroole Ayaa Mudooyinkii Dambe Waxaa Aad Loogu Eedey nayay In Uu Axmed Ku Cadaadinaayay In Uu Diido Maamulka Dekeda Iyo Air Port-ka Kismaayo Dowlada Somalia In Ay Maamusho.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/08/Voice_010.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Xigasho. RD

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com