War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Addis Ababa.

0

deg-deg-muhiim19Addis Ababa (AGGM): Waxaa maanta Magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya Lagu Soo gaba gabeeyay wadahadalo Mudo ka Badan Hal isbuuc halkaas Uga Socda Xubno Kala matalayay Dowlada Somalia Iyo Maamulka Kismaayo ka Arimiya Kuwaa kuwaas Oo Maal Mihii Dambe Isku Mari la’aan Maamulka Degamada Iyo Air Port-ka Kismaayo.

Hadabada war Murtiyeed laga Soo saaray kadib gaba Gabadii Kulanka Ayaa U Qornaa Sida Tan:-

1) Dowlada Federaalka In lix bil kadib Lagu soo wareejiyo Maamulka Dekeda Iyo Air port-ka Kismaayo Inta Ka Horeysane Ay sii Maamulaan Dhinaca Axmed Madoobe.

2) Axmed Madoobe In Si KMG ah Uu Usii Ahaado Gudoomiyaha Seddexda Gobol.

3) In Muqdisho Lagu qabto Shir weyne Dib U heshiisineed.

4) In Axmed Madoobe Uu Magacaabo ku xigeenadiisa Isagoo Kala Tashanaya Dowladda Soomaaliya.

5) In Gobolka Gedo Maamulka Kajira Uu Sidiisa Ahaado.

6) Lacagaha Kasoo Xarooda Garoonka Iyo Dekeda In si saxa Loo Maamulo.

7) In laysku dhafo Ciidanka Oo ay yeshaan kaliya Ciidamo Police ah.

8) In shir kale Oo ay Tagayso Dowladda Somalia Lagu Qabto Magaalada Kismaayo.

—-Dhamaad—-

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com