Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Maanta la Kulantay Dhigeeda Dalka Shiinaha,Soona Gabagabeysay Booqashadii Ay Ku Joogtay China.

0

DSC029381London(AGGM) Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Marwo Fawzia Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaaminayso oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay jamhuuriyada dadka ee Shiinaha ayaa maanta la kulantay wasiirka arrimaha dibada ee Jamhuuriyada  Shiinaha Mr Wang Yi.

Labada wasiir ayaa ugu  horayn ka sheekaystay xiriirkii taariikhiga ahaa ee labada dal ka dhexayn jiray iyo abaalka ay labada dal isku leeyihiin wuxuuna wasiirka arrimaha dibada ee Shiinuhu  cadeeyay in xaalada ay Soomaaliya ku jirto aysan waxba ka badaleyn xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ahaa  iyo wax wada qabsiga  labada dal.

Raisul wasaare  ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Marwo Fawzia Yuusuf Xaaji Aadam ayaa wasiirka uga warantay baahiyaha deg deg ah ee ay Soomaaliya maanta qabto,iyadoo u kala dhig dhigtay mid walba iyo qaabka ay doonayaan in looga caawiyo,gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada,mashaariicda horumarinta,adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka ,dhismayaasha wadooyinka,tababarka shaqaalaha dowlada iyo farsamo yaqaano dalku yeesho dhinacyada kala duwan, iyo qodobo kale.

Wasiirka arrimaha dibada ee Jamhuuriyada dadka shiinaha ayaa  ugu horayn uga mahadceliyay wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Marwo Fawzia Yuusuf Xaaji aadam iyo dowlda Soomaaliya deeqda Dhulka ah oo ay Soomaaliya siisay Shiinaha si ay safaaradoodii uga dhistaan,wuxuna mar kale ku celiyay in ay dowladiisa ka go’antahay hirgelinta safaaradoodii Soomaaliya ayna koox farsmo dhowaan  u soo dirayaan Muqdisho si ay u bilaabaan dhismaha safaarada.

Wasiirka arrimaha dibadda shiinaha ayaa dowlada Soomaaliya uga mahadceliyay gacanta ay ka gaysatay sii deynta muwaadiniin u dhashay shiinaha iyo maraakiibtooda oo Soomaaliya lagu afduubtay hada ka hor.

Dhinaca kale wasiirka ayaa ballan qaaday in ay wax ka qaban doonto dhamaan codsiyada ay soo gudbisay dowlada soomaaliya,isagoona cadeeyay in Soomaaliya ay qeybteeda ku leedahay 20$ Bilyan oo ay shiinuhu Africa ugu deeqeen in lagu caawiyo sadexda sano ee soo socota,wuxuuna intaas ku daray in deeq dheeraad ah Soomaaliya la siinayo si ay u soo kabato dhinacyada tababarka shaqaalaha dowlada, deeqaha waxbarasho,dhismayaasha jidadka,buundooyinka iyo in ay kooxo caafimaad u soo diraan Soomaaliya muddo dhow.

Wasiirka arrimaha dibada shiinaha ayaa ku casuumaay madaxwaynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud in uu soo booqdo Jamhuuriyada dadka ee Shiinaha si ay labada madaxwayne u sii amba qaadaan xiriirka adag ee labada dal u dhaxeyn jiray.

Ugu dambeyntii Mr Wang Yi ayaa ballan qaaday in dowlada Shiinaha ay garab taaganyahay soomaaliya marka ay timaado in qadiyada Soomaaliya looga doodo golaha ammaanka, ama Jamciyadda quruumaha ka dhaxeysa maadaama China ay ka mid tahay dalalka Codka diidmada qayaxan (Vito Power )  ku leh golaha ammaanka.

Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Marwo Fowzia Yuusuf Xaaji Aadam waxaa kulamada ay madaxda Shiinaha la lahayd ku wehelinayay wafdi  ay ka mid yihiin Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Mudane Mahdi Mohamud Cali,Wasiir ku xigeenka howlaha guud,guriyeynta iyo tamarta Eng. Nadiifo  Mohamed Osman, safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Amb. Yuusuf Dheeg, Amb , Cabdirashiid Aadan Seed oo ka mid ah diplomaasiyiinta wasaarada arrimaha dibada iyo madax kale oo ka socotay safaarada Soomaaliya ee Shiinaha

Wafdi au hohaamineeyso Ra’iislwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay booqasho ay muddo todobaad ah ku joogeen  dhulwaynaha shiinaha,iyagoo booday gobollo kala duwan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com