Sadex Ruux Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Qaydarre Ee Gobolka Mudug.

0

maleeshiyo beeleedGaalkacyo (AGGM): Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay labo kalena waa ku dhaawacmeen weerar kooxo hubaysan ay shalay gelinkii dambe ku qaadeen deegaanka Qaydarre oo 90 km dhinaca waqooyi bari ka xiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Labada qof ee dhaawacantay ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Gaalkacyo, si loola tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo aano qabiil oo u dhaxeysa beelo wada dega dhulka miyiga ah ee waqooyiga bari ee gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Aweys Cali Siciid ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda, isla markaana wada hadal wax lagu dhammeeyo.

Aweys ayaa ka codsaday maamulka Puntland ee gobolka Mudug iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka in ay ka qeyb qaataan daminta colaadahan u dhexeeya beelaha wada dega dhulka miyiga ah ee gobolka Mudug.

Haatan ayaa waxaa la qorshaynayaa kulan looga hadlayo xiisadaha ka taagan gobolka in lagu qabto magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyada oo horay kulan horudhac arrintan looga hadlayo lagu qabtay garoonka magaalada Gaalkacyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com