Jawaab Ku Socota Suldaan Bayle Cumar Daad Oo Ku Baaqay Daarood Baan Mideeynaynaa Ama Shirinaynaa.

0

suldaan bayleWaxaan marka hore Suldaan Bayle Cumar Daad kugu saalamayaa Salaanta Islaamka Asc Wr Wb.

Waxaa Hubaal ah in qof walba oo caqli leh caqligiisu uu ogolaanayo amaba taageerayo in dadka hadduu wada dhashay ay ayahooda iyo horumarkoodaba ka tashtaan amaba ku midoobaan shir inay isugu yimaadaan oo ay ka shiraan danaha guud ee Soomaaliyeed iyo Danahooda u gaarka ah.

Dadku waa shiri karaa haddii aan wax loogu dhimayn dadka iyo dalka Soomaaaliyeed, shirkaasna waxa uu dhali karaa wax u dan ah dadka shiraya iyo dhamaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed kula nool.

Waxaa iyana ah wax Xaqiiqda ka fog amaba caqliga qofka fiyoow amaba garan kara ujeedka laga leeyahay Awrkacsiga diidayaa dadka qaar ee nala sheegta magacan Daarood marki iyagu dan leeyihiin inay yiraahdaan “Yaa Daarood Aheey” taasi waxaan ka bixinayaa tusaaleyaal cad oo ay kamid yihiin sidan.

1- Shalay marki qoriga loo soo qaadanayay dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo loo soo raacayay dowladdo Cadow ku ah jiritaanka magaca Soomaaliyeed hoostana looga galayay miyeysan Daaroodnimadu shaqeenayn?

2- Shalay marki Afgooye lasoo gaaray ee dagaaladi sokeeye socdeen markii la dhabarjabinayay Ciidamadeeni miyeysan Daaroodnimadu shaqeenayn mase kula tahay Daaroodnimadi shaqeen weeyday waqtigaas inay maanta shaqeenayso?

3- 23-kii sano ee lasoo dhaafay marka laga reebo 6-dii sano ee dagaaladii sokeeye socdeen ee dadka Soomaaliyeed ee wada dhashay kala Irdhoobeen, waxaa ka dambeeysay 16 sano oo dalka soo mareen dowladdo Ku Meel Gaar Ahaa marka laga reebo 6-dii bilood ee Dr. Maxamed C/laahi Farmaajo  oo aan wada ogsoonahay foolxumadi lagu dhaqmay waxaa xilalka dalka Ugu sareeyo soo qabtay

1- Prof. Cali Khaliif Galayr, 2- Col. Xasan Abshir Faarax, 3- Maxamed Cabdi Yuusuf, 4- Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, 5- Dr. Cumar Cabdirashiid Cali, 6- Prof. Cabdiweli Maxamed Cali maxay Daaroodnimada u shaqeen weeyday marki ay xilka hayeen mas’uuliyiintaas ama loo iclaami waayay shirweeyne Daarood?

4- Shalay markii wiilasha Absame Jawaanka inta madaxa loo galiyo laga iibsanayay dowladdaha deriska nala ah, maxay Daaroodnimada aad sheegaysaan u shaqeen weeyday? Doqon Uunbaa Kala Garan Kan U Gargaaraya Iyo Kan Dilaya…

5- Shalay marki lagu dhawaaqay Khaatumo State of Somaliya oo Soomaali oo dhan u sacaba tumayeen waatii la lahaa amaba lagu timaamayay waa argagixiso iyo wax kaloo xune Daaroodnimadan aad sheegeeysaan maxeey u shaqeen weeyday? War Ma Annaa Waalan Mise Iyagaa Waalan?

6- Shalay markii maxaasta Leelkase ee daga Gaalkacyo madaafiicda iyo hubka culus lalla dhacayay inta si gardara ah loogu soo duulay loona adeegsanayay ciidamadi ay iyagu wax kasoo dhisteen amaba lagu dhisay canshuurtooda, laguna tilmaamayay Argagixiso,miyeysan Daaroodnimada maxey u shaqeen weeyday?

7- Dhacdadi ugu dambeeysay ee ka dhacday magaalada Kismaayo, Barakicin, Dil, Kufsi iyo bililiqo baahsan,miyeysan Daaroodnimada shaqeenayn?

Suldaan Bayle Cumar Daad, Maya maya maya waanu diidnay Daaroodnimanada ah awr-kacsiga iyo markii dan ay leeyihiin qaar nala sheegta magaca Daarood in laga dhigto shaar la huwado amaba la gashto, maalinta dantii lalahaa la gaarana nalagu  yiraahdo (War Meeye Daaroodki Qaawanaa), waxaana ayaan daro ah dadka qaar inay u nugul yihiin in lagu Isticmaalo magaca Daarood… Ninkaan Garan Waxa Loo Dhimay ama loo Dhimayo, Ma Uu Garan Karo Waxa uu Dadka U Dhimayo…

Fariin: Suldaan Bayle Cumar Daad waxaad fariintan dib ugu celisaa cidii kuu soo gudbisay amaba kuu soo dhiibtay, waana la socdaa inay ku sugan yihiin deegaanada Puntland gaar ahaan in uu shirka aad iclaamisay ka dhacayo magaalada Qardho, waxaadna u sheegtaa Daarood ay kala dileen, iskuna dileen ayna iibsadeen intii hartay in aydnaan isu keeni karin adinka oo ah odoyaasha ilaa ay qirtaan dambiyadi ay ka galeen beelweynta Daarood, qirtaan dambiyada ay galeen markaan ku leeyahayna waa in dambi walbaa oo ay galeen aanu ka maqalnaa iyagoo idaacadaha ka sheegaya sida ay uga sheegi jireen xumaha, Suldaan Bayle 7-daa dambi ee aan kor ku soo xusay waa inta ugu sahlaneed ee aan  tusaalaha kuugu soo qaatay waase ka badan yihiin dambiyada intaas, oo mana jecli inaan halkaan kusoo wada shaaciyo.

Haddii ay dhici weeyso amaba suurogali weeydo in ay qirtaan dambiyada ay ka galeen beesha Daarood, waxaan idin leeyahay adinka Odoyaasha Daarood ah waa inaad soo saartaan moowqifkiina oo cad haddii aydnaan dad gaar ah, deegaano gaar ah iyo dano gaar ah aydnaan u adeegeen oo aydnaan ahayn CAL BOX lagu shubtay xoogaa ee aad u adeegaysaan danta Guud.

Gabagabadi waxaan ugu baaqayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaana dadka ku abtirsada beelweynta Daarood inay ka foojignaadaan shirarka Awr-kacsiga ah ee  qaar inaga mid ah ay ku Awr kacsanayaan magaca beelweynta Daarood, hanna u nuglaanina in maalin walba dambiyo inta leeydinka galo in aydnaan la xisaabatamin cidii idinka gashay dambiyada.

Wabilaahi Towfiiq

C/laahi Xasan Xuseen
abdulahihassan93@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com