Guddoomiyaha Ucid Oo Cambareeyay Socdaalka M/Ku xigeenka Puntland Ku tagay Taleex

0

Eng.-FaysalCali-Waraabe-Boorama-2Hargeysa(AGGM) Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa daan-daansi iyo faro gelin qaawan ku tilmaamay madaxweyne Ku xigeenka maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya C/Samad Cali Shirre oo socdaal ku tagay shalay gelinkii dambe degmadda Taleex ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo maanta xafiiskiisa ugu waramayay saxaafadda ayaa sheegay inuu cambaareynayo socdaalka weftiga madaxweyne Ku xigeenka Puntland uu ku soo xad-gudbay soohdimaha Somaliland.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu socdaalkan ku micneeyay mid looga dan leeyahay in lagu hurriyo colaad hor leh oo laga dhex abuuro dawladda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu xukuumadda u soo jeediyay inay tallaabo cad ka qaado maamul goboleedka Puntland oo uu ku eedeeyay inay joogto ka dhigatay inay ku soo xad-gudubto xuduudaha Somaliland.

Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu xukuumadda Somaliland u soo jeediyay inay midayso bulshadda Somaliland si wada jir ah looga gaashaanto duulaanka lagu soo qaaday qaranimadda Somaliland iyo xuduudaha dalka.

Isha Ku Hay Allgagladuud

Allgalgaduud@gmail.com