Dhageyso: Maamulka Ahlusunna Waljamaaca Oo Ciidamadoodi Ku Wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

0

DSC00186Dhuusamareeb (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in Dowladda Fadralka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay Ciidamadda Culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca ee ku sugnaa deegaanada Goboladda Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in lawareegitaanka Cidamadda Ahlusunna waljameeca ay Ka Danbeysay kadib Heshiis ay horay u wadda galeen dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.

Taliyaha Qeeybta 21-aad Gaashaanle Sare Sulub Axmed Diiriye (Sulub Jinoole) oo ka mid ahaa wafdigii ka dagay Magaaladda Guriceel ayaa bahda Saxaafada kula hadlay Gudaha Dhuusmomareeb waxaana uu faah faahin ka bixiyay qaabka ay u dhacday wareejinta Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/08/Voice_005.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com