Xukuumadda Oo Joojinaysa Inay Ruqsado Siiso Warshadaha Noocoodu hore uga jiray dalka

0

Abiib-Diiriye1Hargeysa(AGGM) Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Mudane Abiid Diiriye Nuur (Abiib Timo-cad) ayaa sheegay inay xukuumaddu wax ka qaban doonto caqabadaha ku gadaaman warshaydleyda dalka isla markaana aanay ruqsad siin doonin warshadaha cusub ee noocoodu hore uga jireen dalka.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay qabadaha waaweyn ee haysta warshadleyda dalka ku tilmaamay inay ka mid yihiin adeegyadda Korontada iyo biyaha oo aanay ka haqab la’yn.

Md. Abiib Diiriye Nuur waxa uu sheegay in maanta la soo gabo-gabeeyay kulan hawleed laba maalmood Hargeysa ka socday oo lagu eegayay kobaca iyo wax soo saarka warshadleyda Somaliland iyo caqabadaha ku gadaaman, waxaanu xusay in kulankan ay ka dhalanayso oo laga soo saari doono daraasad lagu waajahayo sidii meesha looga saari lahaa dhibaatooyinka mijo-xaabin kara inay warshadaha dalku tanaadaan.

Wasiirka Warshaduhu waxa uu ku dooday inaanay Wasaarad ahaan ruqsad siin doonin warshado cusub oo noocyadoodu hore dalka uga jireen si aanay isku xidhin.

Md. Abiib Diiriye oo la hadlayay galabta BBC-da waxa uu sheegay in wax-soosaarka warshadaha ay saamayn taban ku yeelatay warshadaha isku midka ah ee dalka laga wada furay.

Wasiirka Warshaduhu waxa uu iftiimiyay inuu jiro qorshe ay wada jir iskaga kaashanayaan wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland oo la xidhiidha in Ganacsiga loo kala saaro darajooyin kala duwan.

Wasiirka Warshaduhu waxa uu intaas ku daray in Ganacsatadda loo kala saari doono jumladle iyo tafaariiqle.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com