Dr.Cumar C/rashiid Iyo Prof. Gaandi Oo Wata Qorshe Iyaga U Gaar Ah.

0

GAANDIWararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ayaa waxa ay sheegayaan in shirka wadahalada ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni carqaladeen ku hayaan Dr. Cumar C/rashiid iyo Prof. Gaandi oo iyagu wata qorshe u qarsoon.

GAANDIDr. Cumar C/rashiid iyo Prof Gaandi ayaa waxa ay wataan qorshe u qarsoon kaa oo ah inay wakiilo u yihiin dowladda Kenya sida aad la socotaana waxa ay horey iyagu ulla galeen heshiisyo dowladda Kenya inti ay jirtay dowlddi KMG ahayd ee dalka Soo maartay oo gaaray ilaa heer in Baddi Soomaaliya loo saxiixay Kenya, Qorshahooduna waa xaqiijinta in uu hirgalo heshiiska ay horey ulla galeen amaba ugu saxiixeen dowladda Kenya.

Prof. Gaandi iyo Dr. Cumar C/rashiid ayaa waxa ay aaminsan yihiin haddii ciidamada kenya ka baxaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo in uu suuro galeyn damaaciga ah in prof. Gaandi ka manjo xaabiyo horjoogenimada kooxda Axmed Madobe, waxaana halkaas ka baxaya oo kale riyada dowladda Kenya ee xeebaha Jubbooyinka.

Prof. Gaandi iyo Dr. Cumar C/rashiid ayaa waxa ay hadda ku dadaalayaan in aan wax miro dhal ah amaba heshiis ah uu ka soo bixin shirka Addis Ababa, haddii shirka Addis Ababa wax heshiis ah ka soo baxo waxaa saaxada arrimaha Soomaaliya ka baxaya Prof Gaandi, Dr Cumar C/rashiid iyo dowladda Kenya, waxaana dib ugu soo laabanaya saaxadaas dowladda Itoobiya oo dhawaanahan arrimaha Soomaaliya laga faramaroojiyay oo aan arki karin Prof. Gaandi oo horey ugu  ololeen jirey jabhada ONLF.

Dowladda Itoobiya oo ka careeysan afgambiga lagu sameeyay ayaa iyaduna waxa ay dabinka u dhigatay dowladda Kenya marki ay faraha la gashay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay in mudo ahna ku sugeeysay, waxa ayna Kenya dabinki mudada lala sugayay ku soo dhacday markii ay soo dhoobdhoobtay wax loogu yeero Jubbaland hormuudna uga dhigatay rag ay iyadu islaheeyd uga gudba Salaanka (Jaran-jarada), balse Itoobiya ayaan weligeed jecleen raalina ka ahayn in Jubbaland in uu hormuud u noqdo qof ka soo jeeda ama xiriir la leh deegaanada Kilinka Shanaad, oo ay wadato dowladda Kenya arrintaas oo ay u aragtay mar walba in ay qatar ku tahay amniga dalka Itoobiya.

Dhinaca kale Dr. Cumar C/rashiid iyo Prof Gaandi ayaa hadda waxa ay u tafa xeedan yihiin sidii ay ugu aargudi lahaayeen saaxiibadood Kenya oo siyaasada arrimaha Soomaaliya looga awood roonaaday, waxa ayna xooga saarayaan inaysan wax heeshiis ah ka soo bixin shirka Addis Ababa, taas oo sida hadda la sheegayo horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe uu fahmay dabinka looga tilaabsanayo.

Dowladda Kenya ayaa u diiday inay u dirto Axmed Madoobe diyaarad ka soo qaada kismaayo si uu uga qeeyb galo shirka Addis Ababa iyo Itoobiya oo u dirtay diyaarada soo qaaday, Axmed Madoobe maanta ayuu Jaanis u heeystaa inuu ka hoos baxo gacanta Cumar C/rashiid iyo Gaandi oo iyagu ah wakiilada Kenya, dantuna waxay ugu jirtaa inuu isu dhiibo Dowladda Soomaaliya, hadii uu taas sameeyna waxa sugayo waa in Salaanka looga gudbo kadibna isagoo Qaawan banaanka la soo dhigo.

Shalay ayay ahayd marki Saraakiil ka socda dowladda Itoobiya gaareen magaalada Balad Xaawo ayna sheegeen inay la wareegn amniga guud ee gobolka Gedo, taasi oo ku tusi karta in Kenya ay ka baxeeyso saaxada arrimaha Soomaaliya. Halkan Guji Kana Dhageyso Warbixinta Saraakiisha Itoobiya Ee Gaaray Gedo.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ku dagaalameysaa cidiyaha sidii ay u hanan lahayd maamulka dalka oo dhan si looga hoos baxo dowladdaha deriska ah ee isku haya qadiyada dalka Soomaaliya, xaqiiq waxaa ah Dowladda Soomaaliya in ay guuleeysan lahayd haddii shacabku taageero buuxdo siiyo iyo haddii ay kuwan soo horkacaya dowladdaha deriska la ah dalkeena ka hari lahaayeen.

Maxaa Dhacaya Haddii Uu Fashilmo Shirka Addis Ababa.

1- Waxaa gabi ahaan istaagaya xiriirka iyo taakulada af iyo adinba leh ha ahaadeen kuwo toos ah ama kuwo dadban ee ay Killinka Shanaad siiyaan Axmed Madoobe.

2- Gacanyare Axmed Madoobe waxa uu noqonayaa laheeyste ay si walba u maamulaan kana amar qaata Dr. Cumar C/rashiid iyo Prof. Gaandi sida uu haddaba yahay maadaama ay iyagu yihiin nimanka Kenya soo horkaceen.

3- Kenya oo ku amar taagleen doonta arrimaha koonfur galbeed Soomaaliya.

4- Waxaa curanaya ama bilaabanaya dagaal Sokeeye oo hor leh, waana sida Kenya doonayso inta aanu ku muransan nahay Beriga inay iyaduna maamulato Badda.

Maxaa Dhacaya Haddii Uu Shirka Addis Ababa Heshiis Ka Soo Baxo

1- Kenya oo shandadaheeda ka xirxirata Jubbooyinka iyo Gedo intay doontaba haku qaadato’e

2- Dowladda Soomaaliya oo heleysa jaanis ay ku kasbato maamulada dalka gaar ahaan deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

3- Gacanyare Axmed Madoobe oo xoriyadiisi dib u hela iskuna dayaya inuu dadkiisa dhinac ka raaco.

Dadka Soomaaliyeed ee xaabada ah waa inay fahmaan dagaalka socda iyo cida dagaalamaysa amaba uu u dhexeeyo loolanka qof walbaana waa u xor markaa ciduu taageerayo waana laba (Qabiil Iyo Qaran)..

Isku soo wada duuboo Akhristoow arrinta Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxa ay marayaan marxalad lagu tilmamai karo oo kaliya (Haddii La Yaabo Yaasiinka).

Maxamed Saciid Guuleed (Guulwade)
Copenhagen, Denmark

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com