Wasaaradda Warfaafinta oo soo saartay go’aano la xariira shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka hawlgala:-War-saxaafadeed

0

DSC00605Muqdisho(AGGM) Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo saaka xafiiskiisa kula shiray dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka hawlgala ayaa soo saaray go’aamo ay soo dhaweeyeen dhamaan shirkadaha diyaaradaha dalka ka shaqeeeya. Shirkan oo qaatay saacado ayuu wasiirku ugu horeyn uga mahadceliyay adeegga ay shirkadahani u hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoo usahlay inay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ukala safraan muddadii uu dalku burbursanaa iyagoo u bareeray khatar badan kuna soo shaqeeyay xilli adag iyadoo wasiirku ubalanqaaday shirkadaha Soomaaliyeed inay leeyihiin mudnaanta Koobaad iyagana looga baahan yahay in kor u qaadaan adeegga ay bixiyaan.

Wasiirka ayaa shirkadaha uga warbixiyay guulihii isdaba joogga ahaa ee wasaaraddu ka gaartey soo celinta hawada Soomaaliyeed(Somali Airspace) iyo Xayiraaddii caalamiga ahayd ee laga qaaday garoonka Aaden Cadde ee Caalamiga taasoo sida wasiirku sheegey soo dadajinaysa in kor loo qaado tayada adeegyada garoonka Aaden Cadde iyo dhamaan garoomada dalka iyo Shirkadaha duulimaadyada ee dalka ka shaqeeya.Wasiirka ayaa shirkadaha kala hadlay arimo badan oo ay kamid ahaayeen daryeelka Rakaabka Soomaaliyeed, Jadwalka diyaaradaha, sharciyadaha iyo shaqaalaha lasocda diyaaradaha iyo waliba luuqadaha lagu hadlo xiliyada rakaabku saaran yihiin diyaaradaha dalka ka shaqeeya.

Kulankan oo wakiilada shirkadaha diyaarada Soomaaliyeed ay kusoo gudbiyeen aragtidooda ayna aad usoo dhaweeyeen la kulanka wasiirka ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo wax ku ool ah oo saamayn ku yeelan doona qaabka ay u shaqeeyaan shirkadaha diyaaradaha iyo daryeelka rakaabka Soomaaliyeed.

Qodobadii kasoo kasoo baxay shirka ayaa ahaa sidan:
1- In Dhamaan shirkadaha diyaaraduhu ay wasaaradda keenaan muddo 7aad ah sharciga, ruqsadaha diyaaradaha iyo shahaadooyinka shaqaalaha la shaqeeya(Crew)ga si loo hubiyo inay yihiin dad aan danbi lahayn una qalma shaqada ay hayaan.
2- In luuqadda Soomaaliga ahi noqoto midda ugu mudan ee lagula hadlo rakaabka saaran diyaaradaha ka shaqeeya dalka Soomaaliya

3- In shirkadaha diyaaraduhu ay ilaaliyaan waqtiyada bixitaanka iyo imaatanka rakaabkana ay siiyaan waqti sax ah oo ay ku xisaabtamaan.

4- In shirkadaha diyaaradahu aysan ku shaqaynsan diyaarad aan lahayn adeegyada Marawaxadaha, Musqulaha iyo inaan diyaaradaha la saari karin rakaab dheeri ah iyo culeys ka badan midka loogu tala galay.

-DHAMAAD—

Axmed Xaaji Cabdi

Xafiiska Wasiirka Wasaaradda

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com