Dhageyso: Saraakiisha Ciidamada Itoobiya Oo Sheegay Inay La Wareegayaan Sugidda Amniga Gobolka Gedo.

0

BALAD-XAAWO-IYO-SUUQ-GUBTAY1Beled-xaawo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Beled-xaaw ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in  Ciidamada dowladda Ethiopia ee ku sugan gobolka Gedo ay ku dhawaaqeen inay la wareegeen sugidda amniga gobolkaas.

Shir Jaraa’id oo maanta ay si wadajira ah ay ugu qabteen gudaha magaalada Beled-xaawo masuuliyiinta maamulka gobolkaas, culima udiinka Ahlu sunna iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya ayaa waxaa lagu shaaciyey in xaqiijinta nabadgalyada gobolkaas ay la wareegeen ciidanka Ethiopia.

Sida aan wararka ku heleyno sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo iyaguna ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ayaa waxa uu sheegay in ciidankoodu ay si buuxda ula wareegeen xaqiijinta amniga gobolka Gedo,wuxuuna tilmaamay in ciidamada dowladda ee ay iyadu soo tababartay ay kala shaqayn doonaan sugidda amniga.

Saraakiisha ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in dhammaan ciidamada dowladda laga saari doono magaalooyinka,waxayna sheegeen in loo diri doono hawlgallo  sida ay hadalka u dhigeen, amniga gudaha degmooyina gobolka Gedo ayaa waxaa si toos ah ula wareegay ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolkaas.

Saraakiisha Itoobiya ee  maanta ka  hadlay magaalada Beled-xaawo ayaa waxa ay maamulka iyo shacabka degmooyinka gobolkaas ugu baaqeen iney keenaan ciidamo madani ah oo ciidankooda kala shaqeeya amniga gudaha magaalooyinka gobolka Gedo.

Isku soo wada duuboo Tallaabadan ay qaadeen saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ay ku sheegeen iney gabi ahaanba kula wareegeen xaqiijinta amniga gobolka  Gedo ayeysan wax war ah kasoo saarin dowladda federaalka Soomaaliya.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/08/Voice_031.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com