BAYAAN: Bayaan Ka Soo Baxay Shirka Odayaasha Beesha Xawaadle Ee Ku Saabsan Arrimaha Gobolada Jubbooyinka Iyo Wadaxaajoodka Addis Ababa.

0

bayaanShir ay iskugu yimaadeen maanta  Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Cabdi Yuusuf oo ka tirsan beelweynta Xawaadle , ayaa waxa ay ugu baaqeen dowladda Federaalka Soomaaliya in ay hakad geliso shirka wadaxaajoodka ah ee u dhaxeeya wafdiga dowladda iyo kooxda Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ee ka soconaya Magaalada Addis Ababa, loona soo wareejiyo Muqdisho , si loo furo shirka dib u heshiisiinta beelaha wada dega gobolada uu maro webiga Jubba ee kala ah Gedo,Jubada dhexe iyo Jubada hoose.

Beesha Xawaadle , waxa ay ka codsaneysaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku dhawaaqo waqtiga iyo mudada shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka uu ka socon doono Muqdisho , si loo afjaro colaada gaamurtay ee ka taagan Magaalada Kismaayo iyo deegaanada kuteedsan, lana helo maamul ay ku mideysan yihiin beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaanada kala gedisan ee Jubbooyinka.

Beesha Xawaadle , ma aqoonsan doonto natiijo kasta oo ka soo baxda wadahadal aaney u dhameyn beelaha wada dega Jubbooyinka, waxa ayna ka digeysaa falalka cadowtooyada ah ee ka soo banbaxay Kismaayo.

Qodobada kulanka ka soo baxay waxa ay kala yihiin :

1-Beesha Xawaadle waxa ay taageereysaa shirka dib u heshiisiinta ee beelaha Jubbooyinka ee ka furmaya Muqdisho.

2-Beesha Xawaadle ma aqoosan doonto natiijo kasta oo ka soo baxda wadahadal aaney u dhameyn beelaha wada dega Jubbooyinka.

3- Beesha Xawaadle waxa ay ku baaqeysaa in la hakiyo wadaxaajoodka halka dhinac ah ee ka soconaya Addis Ababa .

4-Beesha Xawaadle waxa ay u argtaa shirka wadaxaajoodka ee Addis Ababa uga furmay dowladda FS iyo kooxda Raaskambooni mid aan ku jirin danaha,qaranimada dalka , wadajirka iyo wadanoolaanshaha dadka degan Jubbooyinka oo Beesha ay ka mid tahay .

5- Beesha Xawaadle , waxa ay taageersan tahay go’aanadii ka soo kala baxay Shirkii ugu dambeeyay Madaxda urur goboleedka IGAD iyo shirkii Kampala ee bilowgii bishan dhexmaray madaxda wadamada ciidamadooda howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya .

Nabaddoonada Beesha Cabdi Yuusuf oo ka tirsan Beelweynta Xawaadle ee ku saxiixan Qoraalkan ayaa kala ah :

1-Suldaan Cali Xasan Kuulow

2-Nabadoon: Salaad Sheekh Muxumed

3- Nabadoon: Cabdi Cumar Dhaqane

4-Nabadoon : Xuseen Xasan Cabdullaahi

5-Nabadoon:  Nuur Cali Bashiir

6-Nabadoon: Macalin Jaamac Sheekh Aadan

7-Nabadoon: Cabdiraxmaan Warfaa Cusmaan

8- Nabadoon: Daahir Abuukar Xaaji Geelle

9- Nabadoon: Nuur Maxamuud Geedi

10- Nabadoon: Axmed Barre Nuur

11- Nabadoon: Xuseen Wardheere

12- Nabadoon: Maxamuud Waasuge

Bayaankan Waxaa Aallgalgaduud Media Soo Gaarsiiyay Nabadoon Maxamuud Waasuge Email: wasuge_114@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com