Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Oo La Kulmaya R/Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

0

xasan sheekhAddis Ababa (AGGM): Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta uu la kulmo raysul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, kaddib markii uu shalay gaaray dalkaasi.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doona xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galo xuska geeridii raysul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, oo muddo sanad ah laga joogo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay xoojinta iyo dib u soo celinta  xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeeyay waddamada deriska la ah iyo guud ahaan caalamkaba.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com