Dhageyso: Nabadoon Xuseen Xasan Naaleeye "Dowladda Hadii Ay Aqoonsato Axmed Madoobe Xabad Ayaa Ka Dhacaysa Jubbooyinka Iyadaana Qaadeysa Mas'uuliyada Waxi Dhaca".

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Afhayeenka Odayaasha iyo waxgaradka Gobollada Jubooyinka Nabadoon Xuseen Xasan Naaleeye oo ka mid ah ayaa waxa uu sheegay hadii ay dowladda soomaaliya aqoonsato Axmed Madoobe in gobolada Jubbooyinka qabaa’ilada Soomaaliyeed ee daga ay galayaan dagaal aysan u kala harin.

Nabadoon Xuseen ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay Dowlada taageersana yihiin laakin taa macnaheedu mahan in ay Dulmi u hiiliso ee waa in ay cadaalada ka shaqeysaa haday aqoonsato Ninkaas Walaahi Bilaahi Talaahi waxaa fashilmaysa dowladda Xasan Sheekh, waxaana bilaabanaya dagaal dhiig badan ku daato oo ay qaadeeyso mas’uuliyada waxii ka dhaca dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe hadii uusan danbiile ahayn amaba  danbi lahayn waxaa alle igu og yahay in Xasan Daahir iyo Inna Godanena aysan dambi lahayn.

Nabadoon Xuseen Xasan Naaleeye ayaa ku goodiyay in Kismaayo ay noqon doonto meel dagaal oo nabada lagu diimo hadii dowladdu aqoonsato Axmed Madoobe.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/08/Voice_022.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com