Daawo: Wafdi Ka Socda QM Oo Maanta Gaaray Magaalada Jowhar.

0

jow1Jowhar (AGGM): Wafdi ka socday QM ayaa maanta barqadii gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe,iyadoona  si weyn loo adkeeyey nabadgalyada magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegayain waftigan ka socda hay’adaha QM ee gaaray magaalada Jowhar uu hogaaminayo  Philip Lazarani oo ah xiriiriyaha deeqaha bini aadaninimo ee Qaramada Midoobay waxaana socdaalkiisa ku wehlinaya  saraakiil kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Xubanaha wafdiga ee maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa la tilmaamay in diyaarad Helicopter ah ay ku dajisay garoonka Isbartiibada kubada lagu cayaaro oo ku taala xaafadda Hanti-wadaag ee maagalada Jowhar.

Dad-weyne fara badan ayaa ka qayb  qaatay soo dhaweynta waftigan ka socda QM ee gaaray magaalada Jowhar,waxaana  sugidda amniga magaalada iska kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM,waxaana maanta xayiran isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha degmada Jowhar.

Ujeedada socdaalka wafdiga  ayaa lagu sheegay in ay ku kuur-galayaan xaaladaha bani’aadnimo ee ka jira gobolka oo mudo dheer gacanta ugu jiray Al-shabaab.

jow2 jow1 jow jow3 jow6 jow4 jow5

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com