Dhageyso: Alshabaab Oo Ka Hadlay Dagaalkii Ay Ku Qaadeen Gudaha Kiiniya

0

252_largeKismaayo(AGGM) Afhayeenka ciidamada Xarakada Alshabaab Cabdicasiis Abu Muscab oo ka hadlay dagaalkii ay ku qaadeen Degaan Garmaleh ee gudaha dalka kiiniya ayaaa shaaciyey in ciidamadoodu ay ku guuleysteen dagaalkaasi isla markaasnay ay muddo kooban degaankaasi la wareegeen,waxaana uu sheegay inay weerarka ku qaadeen farisiimo ciidamada mileteriga iyo booliska kiniya degaanadaasi ku leeyihin.

Cabdicasiis Abu Muscab waxaa uu daboolka ka qaaday in markii dagaalku socday wax ka yar 30 daqiiqo ay ciidamadoodu gudaha u galen farisiimihii ay ku sugnayeen ciidamada dawlada kiiniya,waxaana uu sheegay inay u suuro gashay inay la wareegaan degaankaasi mudo kooban isla markaasna ay xoog ku qabtaan saraakil ka tirsan dawlada kiiniya iyo saanad mileteri oo badan.

Abu Muscab oo saxafada la hadlay waxaa uu sheegay in ciidamadoodu ay gudaha u galayaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin ciidamada dawlada kiiniya isla markaasna ay dhibaato ku soo gaarsiin doonaan,waxaana uu sheegay in awood u leeyihiin inay meelo ka fog fog oo ku yaal gudaha dalka Kiiniya la wareegi karaan.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/DHAGEYSO-AFHAYEENKA-SHABAAB-SHEEKH-ABUU-MUSCAB.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com