Mustaqbalka Soomaaliya Iyo Madaxweynaha Maanta! W/Q:Axmed-Khaliif Maxamed Jaamac

0

22Kadib 22 sanno ,oo dood,dirir iyo dagaal ah somaaliya waxa lagaga dhawaaqay dawlad ka magac duwan dawlad ku sheegyadii faraha badnaa ee soomaaliya meherka iyo furista ku daashaday, magaca dawladan cusub waa JAMHUURIYADEENII HORE(REPUBLIC) iyo MAGACEENII HORE (SOMALIA) oo lagu soo dhex tuuray weedha (FEDERAL)waxan tix iyo tiraabi toona ka taagnayn isla markaa HABARI GARATAY AH in Faderalnimadu aanay ku iman doorashada,danaynta iyo doonista  shacabka soomaaliyeed balse ay tahay fikrad lasoo guuriyay.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa NIN BUKA BOQOL U TALI ,waa wax iska caadi ah dabeecadaha binu-aada-nimadana ka mid ah qofku marka u tabaalaysanyahay,taraarsan yahay isla markaana taahayo in taladiisu faraha ka baxdo una talawdo kunka qof ee  agtaagan,kuwaas oo ka kooban qaraabada,ehelka,jaarka iyo umaddaha aduunkoo dhan haddba sida ay ugu soo kala horeeyaan,amase loo kala helo, haddaba waxa taas la macna ah majaraha soomaaliya soo haysay muddada aadka u dheer ilaa imakana malo mooyee aanay weli cadayn ka maagisteeda iyo ka marin-baydhkeedu,isla markaana aan odhan karno WELI BARTAAN AQAANAY LAGAMA BAYDHIN.

MASKAXDAADU YAY NOQON MAQAL LAGULA LEEYAY ,OO TOBAN MUFTAAX IYO LAGU FURAN MASAABIIR. ilaahay ha u naxariiisto abwaan IBRAAHIN-GADHLE oo erayadakani ay maskaxdiisa kasoo maaxdeen,malahayga ibraahim gadhle wuxuu la hadlaayay oo hogga-tusaalaynaayay hal qof ,balse tolow sidee bay noqon umadd dhan oo maskaxdoodii iyo maankoodiiba meel kale laga maamulo,waxaan iswaydiinayaa horumar malagu gaadhi karayaa mabda,a laguu soo waarido adigoon jeclaansho iyo jamasho midna u hayn,wuxuu yidhi ninkii awrkiisa iiibshay ,ALLAHAYAW MAXAY NOQON NINKII AWRKIISII LACAG SIISTAY.

Si kastaba ha ahaatee fikrada Faderaalku waa mid maanta soomaalida dhex taala  midha-dhalkeedana wakhtiga iyo waayaha ayaa  ka jawaabi doona,malahayga-se waa fikrad wanaagsan oo mustqbal wanaagsan,nolol macaan iyo marin wanaagsan keeni karta waa haddii laysla afgarto sida ay tahayna loo tafsiiro aqoon iyo aragti fogna lagu dheeho,sidoo kale waa fikrad hoog,halaag iyo HABAA,AN MANSUURAA ku ah  dadka,dalka,ummadda ,qaranka iyo qoomiyada soomaaliyeedba waa haddii loo isticmaalo sida markiiba loo fasirtay,loona fahmay.

Dhalashadan dawladda faderalku waxay kaga duwan tahay dawladihii ka horeeyay waxa ugu wayn iyada oo aan lagu naanaysin amase lasii raacin dawlad ku meel gaadha,aqoonsi iyo garashana ka haysata dawlado badan oo aduunka ka taagan, Inkasta oo dad dawlada kasoo horjeeda iyo Argagaxisadu (rebels and terrorists) ay ka taliyaan meelo ka midaa gobolada KOONFUREED haddana waxaa muuqata in wakhti xaadirkan badiba dalku gacanta ugu jiro hoggaaminta iyo qorsha dhigaalka (under the mandate) madaxwayne Hasssan Sh. Mohamoud.

Ifafaale wanaagsan ayay umadda soomaaliyeed maamulkan ka muujiyeen soo dhawayn iyo mahadin badana waa usoo hibeeyeen,ilaa haddana wax-qabad wanaagsan waa laga soo sheegayaa,sidoo kale waxyeelo iyo cabasho waafiyaana waa jirtaa ,waxaase hubaal ah in Mustaqbalka Dadka cudurka,caydha iyo ciilku ragaadiyay ,mustaqbalka Dalka burburka, baaba,a iyo balanbalku balaysimay ,mustaqbalka Qaranka qabyaalada,qabiilka,qalalaasaha,iyo quudhsigu daashaday,mustaqbalka ummada maskaxda,maanka,iyo muruqaba ka maarantay(ka shaqaysiin kari wayday) waxa uu kasoo dhex-bixi karaa MANDATE kaas ,waa haddii GARAAD,GARASHO IYO CILMI GAAMURAY loo adeegsado ,waa haddii hiraal cusub ,himilo fog iyo hayaan dheer loogu sahan tago,waa haddii caddaalad ,sinaan iyo saami-qaybsi wanaagsan loo sameeyo,waa haddii fikir ,fiiro,iyo falsafad khilaaf raadin ah miiska lasoo saaaro,waa hadii ummadda dawlad la,aanta,dib u dhaca iyo daranyadu isu biirsatay lagu adeegane loo adeego ,waa haddii aqoontu shaqayso ,caqliga iyo cilmigana la maalo,isla markaana wixii dhacaya dhab loo fiirsho (eego),waa hadii daraasad cilmi baadhis ah lagu sameeyo waxyaabihii dumiyay dawladihii tirada badnaa balse tayada yaraa ee soo maray dalka soomaaliya,waa hadii qabqablayaashii qaranka dumiyay toosh wayn lagu ifiyo,masaakiintii la derbi-jiifiyayna taariikhda lagu xuso ,kaalmo toos ah iyo tabarucaad  aan tiro lahayna loogu tala-galo,waa haddii Magaca madaxweyne macno yeesho balse aanu Meel joog(VILLA-SOMALIA) noqon ,waa haddii indho-gorgor lagu eego muwaadiniinta garaaadkoodii lala dagaalamay,garashadoodii la gacan-togaaleeyay,boqorada-hoodii bidhaanta lahaa(gashaantimo) garoob-toodii baarka lahaa iyo hooyooyin-koodii barakada lahaaba la baquujinaayo,barqo cad iyo badhtanka habeenkii ilaa waagu daalacana la dulminaayo,binu-aadan-tinimadoodiina lagu baala-xooftaynayo,isla markaana guryahahoodii boobka,bililiqaysiga iyo baaba,a lagu hayo,waa hadii takoorka iyo tala-xumaanta aan kaska iyo maanka midna ku dhisanayn ee lagu hayo dadka farsamada,farshaxanimada iyo falashada dhulka ku caankaa laga fogaado,waa haddii dulmiga gaarka ah ee deegaanada sooomaalida guud ahaan iyo deegaanka Shabeelada hoose gaar ahaan dib looga fiirsado ,lagana dulqaado dagaalka ,dirirta iyo dib-u-ragaadinta lagu hayo,waa haddii ,muwaadinka soomaaliyeed sharaf sharci ah ,sharaf garsoor ah iyo sharaf degenaansha ah intaasba gar loo siiyo ,waa hadii laga jawaabo lagana war-celiyo su,aashii uu is waydiiyay qoraa CABDI CASIIS XILDHIBAAN ee ahayd WIXII AY KUU DHIGEEN MAKUGU DHAQEEN? taas oo macnaheedu ahaa distoorka qoraal ahaan ,xaashad ahaan iyo dan xasilin ahaanba u wanaagsan balse ku dhaqan,ku dhaxal iyo ku dheelitirnaanta midna u wanagsanayn,waa distoorka dhigaalka mooyee aan ku dhaqankaba lahayn.waa haddii hoos u dhigga,hagrashada iyo hiifka haweenka soomaliyeed lagu hayo la haggaago ajande horseed ahna lasoo hadheeyo.waa haddii iskaashi wasiir ,waayeel,waaya-arag iyo wax-yaqaanba la helo,waa haddii isku duubni ,midnimo iyo maamul wanaag laysku maamuuso  hojisyo iyo hoorisyna meeris looga dhigo.

Waa haddii masuulka xukuumada u sareeya,agaasimaha sare,iyo xafiiska u hoseeya wiilka ama gabadha joogaa ay noqdaan shaqaalayaal dalka iyo dadka u shaqeeya balse aanay noqon qaar dalka iyo dadka  ka shaqeeya.waa haddii raganimo taam ah lagu fal galo,ogsoonaw ragganimadu maaha xiniinyo buurnimo iyo xalus buurni midna waase karti ,hawlkarnimo iyo firfircooni joogta ah caadifadna ka saalimaa.

ugu danbayn waa haddii taakulo,taageero iyo ku tiirsanaan laga helo shacabka soomaaliyeed,maxaa yeelay ma dhaqaaqi karaayo shaagna uma rogmaayo  gaadhi laba dhagax la hoos dhigay,garba galka ,toosinta ,tilmaanta iyo ciid ka tuuristuba waa idinku waajib ,intaas aan soo sheegay haddii dawladani la iman waydo,shacabkuna intiisa danbe la iman waayo waa muddo danbe oo madaw ah iyo maalmo danbe oo sidii aan ogayn lagu sii jiraayo.

aan u dhaafo masuulka maanta xilka haya,malaayiinka shaqaale ee wasaaradaha iyo waaxyaha kala duwan ee haayadaha dawlada ka hawl-gala heestan erayada dhamayskaa,iyo macnaha dheeliga tiran ,macaanka muusiga iyo mulaxankana wadata ,waa codadkii BACALWAAN iyo Xareedo ,,,

HAWLAHA ARLADA ,HADII LAGUGU AAMINO
Ha is odhan ciddi kuma arkaysee,Ehelo sheego
Ha is odhan ciddi kuma arkayse, ina-adeerso
Nin xil qaaday eed qaadyeey ,hoy hooy

HAWLAHA ARLADA ,HADII LAGUGU AAMINO
Ummadda u shaqeeyiyo adeegaha lagaa dhigo
Awood iyo sinaan,awood iyo sinaan
isu-sudhan ayaa lagaa rabaaa
Ha is odhan ciddi kuma arkaysee, aqalo jeexo
Ha is odhan ciddi kuma arkaysee, Afka buuxso
Nin xil qaaday eed qaadyeey,hoy hooy

HAWLAHA ARLADA ,HADII LAGUGU AAMINO
Ummadda u shaqeeyiyo adeegaha lagaa dhigo
Olo-laha runta ah ujeedadiisa ayaa lagaa rabaa
Ha is odhan cidi kuma arkaysee, Shaqo ha aadin
Ha is odhan cidi kuma arkaysee, qaranka iibso.

HAWLAHA ARLADA ,HADII LAGUGU AAMINO
Ummadda u shaqeeyiyo adeegaha lagaa dhigo
Orod iyo wax-qabad ,orod iyo wax qabad
Asluub sanan ayaa lagaa rabaa
Ha is odhan kani kuma adeecee, qalin ku aarso
Ha is odhan kannaa kula ejeede,awr u buuxi
Nin xilqaaday eed qaadyeey,hoy hooy

Axmed-khaliif maxamed jaamac
khaliif_d3@hotmail.com
Cairo,Egypt

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com