Allaha u naxariistee Eng, Axmed Shariif oo lagu aasay Duleedka Muqdisho “Sawirro”

0

DSC05789Muqdisho(AGGM) Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, howlwadeenada Warbaahinta Qaranka Culumaa’udiin, Ehelada Marxuumka geeriyooday iyo dadweyne kale ayaa maanta ka qayb galay aaska Marxuum Eng. Axmed Shariif Xuseen oo lagu aasay qabuuraha Sheekh Cali Cabdulle.

Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdirixiin Ciise Caddow oo goobta aaska ka hadlay ayaa sheegay in Eng. Axmed Shariif Xuseen uu ahaa shaqsi ku weyn dhamaan bahda Warfaafinta, islamarkaana uu ka soo qayb qaatay dib u habeynta Idaacado badan oo Muqdisho iyo Gobollada dalka ku yaalla, Isagoo intaa ku daray in uu ku rajo weyn yahay in gacanta mar un lagu soo dhigi doono dhagar qabayaashii dilka u geystay Eng, Axmed Shariif.

“Allaha u naxariisto Eng, Axmed waxa uu ahaa shaqsi fir fircoon oo door muuqda ka soo qaatay dhanka Warfaafinta, gacan ka xaq daran ayaa dishay, Alle waxaan uga baryeynaa in uu Janadii ka waraabiyo Qoyskii, Ehaladii iyo Asaxaabtii uu ka tegayna samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo” ayuu hadalkiisa ku daray Agaasime Cabdirixiin.

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Cabdixakiin Shariif Xuseen oo ay walaalo yihiin marxuumka geeriyooday waxa uuna shacabka ka codsaday in ay iska cafiyaan Walaalkiis Eng, Axmed Shariif, isagoo Alle uga baryay in uu janada ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Eng, Axmed Shariif Xuseen ayaa saakay aroortii waxaa kooxo ku hubeysan bustoolado ku dileen degmada Shibis ee gobolka Banaadir, iyadoo lagu aasay qabuuraha Sheekh Cali Cabdule ee duleedka Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC05767DSC05768DSC05789DSC05770DSC05789DSC05789DSC05791DSC057731