Madaxweynaha Itoobiya Oo Warqadihii Aqoonsiga Ka Gudoomay Ambassador Axmed Cabdisalaam

0

Axmed-CabdisalanAddis Ababa(AGGM) Danjiraha Soomaaliya u magacaawday dalka Ethiopia Danjire Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan ayaa maanta Madaxweynaha dalka Ethiopia Girma Wolde-Giorgis waxa uu ka guddoomay Warqadihiisa aqoonsi ee danjirimo.

Farxaan Cali Axmed oo ah  kuxigeenka safiirka ahna qunsulka koowaad ee safaarada Soomaaliya ee Ethiopia oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Danjira Axmed Cabdisalaam laga guddoomay Warqadihiisa danjirenimo, isagoo intaa ku daray in tallaabadaasi ay farxad weyn u tahay shacabka Soomaaliyeed ee dalka Ethiopia ku dhaqan, ayna soo dhaweeyeen.

Farxaan Cali Axmed ayaa xusay in la qabtay musaabad kooban oo danjiraha warqadihiisa lagaga guddoomayay, isagoo intaa ku daray in xafladda ay ka soo qaygaleen madax kala duwan, islamarkaana ay ahayd xaflad lagu muujinayay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia.

kuxigeenka safiirka Soomaaliya ee Ethiopia ayaa daboolka ka qaaday in Danjiruhu uu Madaxda Ethiopia uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamadodoa ka qaateen nabadda Soomaaliya iyo marti soorka ay u sameeyeen qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan, isagoo intaasi raaciyay in safiirku uu balan qaaday in uu sii wadi doono xoojinta xiriira iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com