Deg Deg: Alshabab Oo La Wareegay Tuulo Ku Taal Kiiniya Masuuliyiina Afduubay.

0

deg-deg-muhiim19Kismaayo(AGGM) Wararka hadda warbaahinta Allgalgaduud ka helayso gudaha dalka Kiiniya ayaa shaacinaya in Kooxda Alshabab weerar culus ku qaadeen gudaha dalka Kiiniya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari dalka Kiiniya,waxaana la sheegaya in cutubyo ka tirsan Alshabaab oo hubeysan mudo kooban la wareegeen tuulo ku taala xadka Soomaaliya iyo Kiiniya gaar ahaan gudaha dalka Kiiniya xigta.

Degaanka Caawa Gacanta u galay Alshabaab waxaa lagu magacaa GARMALEHE waxayna ku taala Xadka kala qaybiya Soomaaliya iyo Kiiniya,waxaana la sheegay in Alshabaab weerar dhawr jiho kaga soo qaadeen isla markaasna la wareegeen saldhigii Booliska iyo xarumihii dawladda kiiniya Tuuladaasi ku lahayd.

Inta la xaqiijiyey waxaa la sheegaya inay Alshabab halkaas ku dileen in ka badan 8 ruux oo isugu jira shacab iyo Ciidamo ka tirsan ciidamada booliska dawlada Kiiniya ee tuuladaasi ku sugnaa,waxaana la shaacinaya in ciidamada Alshabaab ay u suuro gashay inay halkaasi la wareegaan mudo kooban isla markaasna furteen dhamaan isgaarsiintii ciidamada booliska kiiniya isticmaali jireen.

Sidoo kale waxaa la xaqiijinayaa in rasaastii ciidamada Alshabaab ku fureen gudaha degmadaasi ay dhaawacyo ka soo gareen dumar iyo caruur kuwaasi oo la sheegay inay ka ag dhawaayeen xarumaha ciidamada booliska kiiniya ay ku lahayeen halkaasi,waxaana la xaqiijiyey dhaawaca 3 haween ah iyo laba caruur.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ciidamada Alshabaab ee Mudada kooban halkaasi la wareegay ay gacanta ku soo dhigeen 4 sarkaal oo la sheegay inay isugu jiraan Saraakiil boolis iyo Maamulkii tuuladaasi,waxaana la sheegaya inay kala soo gudbeen xadka u dhexeya Soomaaliya iyo Kiiniya iyadoo la aaminsan yahay inay la soo aadeen dhinaca gobollada Jubooyinka oo ay shabaabku ku xoogan yihiin.

Ugu dambeyntii waxaa la sheegaya inaysan wali dawlada kiiniya ciidamo Tuuladaasi u dirin inkastoo la sheegayo inay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la dareemayo farisiimaha ciidamada kiiniya ku leeyihiin xadka soomaaliya iyo Kiiniya u dhexeya,waxaana la sheegaya inay baadi goob ugu jiraan dadka la soo afduubay inkastoo aysan u suuro galin inay gacanta ku soo dhigaan kooxda la afduubay iyo kooxaha weerarka soo qaaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com