Maxamed Ugaas Xaashi Oo Markii 3-aad La Diiday Inuu Ka Baxo Kismaayo

0

DSC00827Kismaayo(AGGM) Maxamed Ugaas Xaashi oo ka mid ahaa kooxdii u ololeynasay Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa in saaka markii 3-aad loo diiday inuu u duulo dalka Kiiniya halkaasi oo la sheegay inuu uga sii ambabixi lahaa Wadamada Qurbaha oo uu markiisi hore ka yimid gaar ahaan wadanka Canadda.

Maxamed Ugaas xaashi ayaa la sheegaya inay saaka saraakiisha ciidamada kiiniya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni u diideen diyaarad uu raaci laha wadanka Kiiniya oo la sheegay inay kooxo ganacsato ahi u soo direen isla markaasna doonayeen inay inuu Maxamed Ugaas xaashi diyaaradaas soo raaco isla markaasna dib ugu laabto Wadanka Canada ee uu ka yimid ka dib markii uu ku fashilmay arrimaha jubooyinka.

Dhinaca kale talabaadan markii 3-aad ku dhacday Maxamed Ugaas xaashi waxaa la sheegaya inuu aad uga carooday ku xigeenk Jabhadda Raaskambooni Isbatoore Fartaag isla markasna uu xiriir la soo sameeyey Axmed Madoobe,waxaana la sheegaya in Isbatoore Fartaag lagu wargeliyey inaan la ogolaan doonin inuu Maxamed Ugaas Xaashi ka duulo kismaayo inta xaalada gobollada Jubooyinku dhinac u dhaceyso.

Ciidamada Kiiniya iyo Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay cabsi ka qabaan inuu Maxamed Ugaas xaashi diirka ka rogo wax ka socda Gobolladda Jubooyinka isla markaasna uu beesha caalamka iyo Ururadda Xaquuqul isaanka warbixin ka siiyo dhibaatadii ciidamada dawladda Kiiniya iyo Kaambooni ka geysteen Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii Maxamed Ugaas Xaashi ayaa ku jira dabin isagu uu isu qoolay kaasi oo ahaa inuu dad shacab ah intuu diyaarado kaga guurey gobollkadda Jubooyinka qaarkood kismaayo ku soo daadiyey isla markaasna markii dantii laga laha laga fushaday qaabkii la doono loola dhaqmay,waxaana la sheegaya in talaabadaasi tahay mid aad looga yaabay inuu Maanta ku jiro xabsi guri uusan meelna u dhaqaaqin karin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com