Dawladda Oo La Wareegtey Degaano Ka Tirsan Gobolka Bakool

0

ismadhaqaMuqdisho(AGGM) Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bokool ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay ku burburiyeen saldhiyo kooxda Shabaab ay ku lahayeen deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Howlgallo meleteri oo ciidamada XDS ka sameeyeen deegaanno hoos taga gobolka Bakool ayeey ciidamadu kula wareegeen tuulooyin ka tirsan gobolkaasi,  iyadoo ciidamaduna ay cagta mariyeen fariisimo ay haraadiga Shabaab ku lahaayeen deegaannadaasi.

Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamad Macalin Axmed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in ciidamada XDS ay la wareegeen gacanta dowladana dib ugu soo celiyeen tuulooyin ka tirsan degmada Xudur,  kuwaas oo ay ka mid tahay Ceelgaras isagoo intaa ku daray in gebi ahaan deegaannadaasi laga sifeeyay haraadiga Shabaab.

Sidoo kale gudoomiyha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay in howlgalkani uu dhacay aroornimadii shalay, wuxuuna tilmaamay in dagaalladasi ay qasaaro badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay haraadiga Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Labo askari ay ciidamada dowlada halkaasi kaga geeriyoodeen Shan kalena ay ku dhaawacmeen, hase yeeshee ciidamadu ay ku guuleysteen xaqiijinta ammaanka deegannada ay la wareegeen, isagoo hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay hadda kaabiga ku hayaan degmada Xudur,  wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamadu ay la wareegi diinaan dhawaan degmada Xudur.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com