Aragtida Dadweynaha Ee Ku Wajahan In Dekadda Iyo Eeraboorka Magaalada Kismaayo Ay Gacanta U Gasho Dawladda!

0

puplic opinionTan markii lagu dhawaaqey go,aan laga soo saarey magaalada xarunta u ah waddanka Uganda ee Kambala, kaasoo ah in Dawladda looga dambeeyo gacan ku heynta dekadda iyo Eeraboorka magaalada Kismaayo , ayaa waxaa dadweynuhu ay ka bixinayaan aragtiyo kale duwan, isagoo qof walba aragtidiisa u cuskanayo sabab uu ku saxan yahay.

Haddaba dad badan oo uu kamid yahay aniga hadda aratiyahaan idiin soo gudbinayo ayaanu waxaanu qabnaa ama aaminsanahay in go,aankaanu uu yahay mid macquul oo lagu soo afjari karo xiisadaha ama is-qabqabsiga soo taxnaa ee ka jiray magaaladaas, anagoo u cuskaneyno sababta ah in Dekadda iyo Eeraboorku ay yihiin ilaha dhaqaale ee ay ka soo burqadaan isqab-qabsigaas soo taxnaa ee aan kor kusoo xusey ee la degay  magaalada.

Waxaa isla markiiba ay qayladhaan aad u xooggan ka soo yeereysaa qaar kamid ah beelaha Daarood ee taageera Axmed Madoobe!

“Ma,aha wax loo dulqaadan karo in  Xasan Sheekh Maxamuud iyo beeshiisu ay nagu soo farageliyaan deegaankayaga, isla markaana ay magaalada Muqdisho wixii ay doonaan ka sameeyaan, waa arin aad loola yaabo oo caddaaladda ka fog, in ay is hortaag ku sameeyaan maamulkii Jubbaland ee aan kal hore yagleeley, kaasoo gundhig u ahaa axdigii fedaraalka ahaa ee jideynayay in waddanka ay ka hirgalaan maamul gobeleedyo hoostaga Dawladda dhexe ee Muqdisho” Sidaas waxaa yiri mid kamid ah taageerayaasha Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), kaasoo ka gaabseday in magaciisa la xuso.

Aragti middaas ka duwan waxaa qaba Maxamuud Nuur Xasan oo kamid ah jaaliyadda waddankaan United Kingdom, wuxuunna yiri sidatan:-

“ Marka hore mahad oo dhan Illaahbaa iska leh, kadib waxaan u mahadcelinayaa Daahir Faarax Afdheere oo isagu noo furey doodaan aan aragtidayada ku cabireyno, kadib anigu waxaan qabaa Dekad iyo Eeraboor oo kaliya ma,ahee in Dawladdu ay maamul buuxa u sameyso magaalada, waa in Dawladda wax walba looga dambeeyo, dawladdu waa in ay magaalo kasta maamul buuxa ka sameyso, maamulkaas oo leh ugu yaraan 400 boqol oo ciidama ah oo tababaran, ismaqla, kuwaasoo lagu xoojinayo ciidamo Amisom ah oo dhexdhaxaad ah, ee aan ahayn sida kuwa Kenya.

Waxaa ammaan iyo ku dayasho mudan maamulka ka jira magaalada Beledweyne iyo Ciidamada Amisom ee Dawladda Jabuuti ee aan walaalaha nahay, waa in magaalo kasta ay ku dayataa waxa Beledweyne ka jira!  Dad badan baa waxay ku waasheen Fedaraal!  War maanta fedaraal Soomaaliya xal uma aha ee wax walba oo tala ah Dawladda haloo daayo”  Ayuu Maxamuud Nuur hadalkiisi ku soo afmeeray isagoo aad u qiireysan.

Faadumo Maxamed Xasan oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Birmingham ee wadankaan maxay tiri?

“ Maanta waxaan heysannaa Dawlad caalamku aqoonsan yahay, waa in deked iyo Eeraboor iskaba daaye wax walba dawladda looga dambeeyo, anigu asal ahaan waxaan ka soo jeedaa Puntland, laakiin haddaanu nahay soomaali-weyn waxaanu u baahanahay dawladnimo iyo ismaqal” ayay Faadumo aragti cabirkeedi kusoo koobtey.

Maxamuud Xuseen Faarax oo isagana kamid ah isla Jaaliyadda magaalada Birmingham isagana muxuu yiri?

“ Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa sagaaro laba tun oo la kala qalo malahan, aniga waxaan qabaain magaalada Kismaayo ay ku filan tahay Soomaali oo dhan, sidaas awgeed waxaan qabaa in wax walba Dawladda looga dambeeyo, maxaa yeelay haddii bulshaweynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto aaney Dawladda iyo aragtideeda taageero buuxda siin, marnaba kama baxeyno dhibaato” Ayuu Maxamuud aragti cabirkiisi ku soo koobay.

Ma,aha wax qoraal aan ku soo koobi karo dadweyne aad u badan oo aragtidooda ka cabirey goaankaas, hase yeeshee waxaan uun idiin soo gudbeyay intii aan ka gaarey waqtiguna ii saamaxey.

Si kastaba ha ahaatee go,aankaan ay dawladdu kula wareegayso Dekadda iyo Eeraboorka magaalada xeebta ah ee Kismaayo ayaa la oran karaa, waa tallaabada ugu habboon ee wax looga qaban karo dhibaatada soo taxnayd ee ka jirtay magaaladaas.  Hase yeeshee Dawladda waxaa looga fadhiyaa inay caddaaladda xoog saarto, isla markaana si taxadar leh oga fiirsato shaqsiyaadka ay masuuliyiinta oga dhiganeyso labaas goobood ee mihiibka ah.

Daahir. F. Afdheere
Email gulaan1969@yahoo.com
Birmingham, United Kingdom

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com