MSF Oo Shaacisay Inay Joojisay Shaqo Ay Ka Waday Degaano Soomaaliya Ka Tirsan

0

AfricaNairobi(AGGM) Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa shaacisay in ay joojineyso howlihii ay ka heysay Soomaaliya muddii 22-ka sano ahayd, iyadoo hay’addu ay arrintaasi ku wargeliyay dhamaan shaqaalaheeda ee ku kala sugan gobollada dalka.

Madaxa ugu sareeya hay’adda MSF oo shan hay’adood ka kooban Dr Unni Karunakara oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa shaaciyay in iyaga oo ka xun ay gaareen go’aanka ku aadan in ay joojiyeen gebi ahaanba adeegyadii ay ka wadeen Soomaaliya,

“Waxaan xirnay xarumo aan ku lahayn Gobolada Banaadir, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Mudug, Togdheer, Jubada dhexe, Jubada Hoose iyo Bakool, sababta aan u joojinay howlaha aan goobahaasi ka wadnay waxa ay tahay markii tan iyo sanadkii 1991-dii dalka nalooga dilay, 16 shaqaale, taasina ayaa keentay in aan gaarno go’aankan anagoo weli ka xun” ayuu hadalkiisa ku daray Dr Unni Karunakara

Dr Unni Karunakara ayaa xusay in 1,500 oo shaqaale ah ay ka howlgalaan gobollada dalka, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ku wargeliyeen joojinta howlaha ay ka wadaan Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in gudaha Soomaaliya lagu dhibaateeyay islamarkaana loogu geeystay dilal iyo afduubyo shaqaale aad u fara badan oo Hay’adda ka tirsan, kuwaasi oo howlo gurmad ah siinayay shacab Soomaaliyeed.

Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii labo haween ah oo u dhalatay dalka Spain kana mid ahayd shaqaalaha Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ay sii daayeen kooxo hubeysan oo labo sano ka hor ka soo afduubtay xeryaha qaxootiga dhadhaab ee dalka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com