Dawladda: Ma Ogola,aan Doono Hub Sharci Darro & Isbaaro La Dhigto Shabeelaha Hoose

0

ismadhaqaMuqdisho(AGGM) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda aysan oggalaan doonin hubka sharci darada ah, iyadoo dhinaca kale ka digtay kooxaha isku dayay in ay jidgooyooyin dhigtaan waddooyinka dhexmara deegaannada gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee ku aaddan hub ka dhigista iyo la dagaallanka hubka sharci darada ah la sii adkeynayo, islamarkaana dowladda ay si rasmi ah u waddo olollihii arrimahaasi looga hortagayey.

“Waxaad ogtihiin in dowladdu ay olole ku qaaday meeshii cirka la dhahaayey ee hubka sida sharci darrada ah loogu iibinayay, dowladda waxaa ka go’an in ay la dagalanto hubka sharci darada, mana ogolaaneyno in qof aan ka tirsan askarta dowladda oo gudanaya waajibkiisa shaqo, in uu hub ku dhex qaato bulshada, dadkuna waa in ay uu kala baxaan shacab iyo dowlad” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Cadaaladda.

Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa shaaca ka qaaday in mar kale Xukuumadda ay ka digeyso kooxaha doonaya in ay dadka ku dhibaateeyaan Jidgooyooyinka sharci darada ah, isagoo intaa ku daray in la xoojinayo awaamiirtii ay madaxda Qaranka ka soo saareen isbaarooyinka, ciddii lagu helana ay muteysna doonto ciqaab adag.

“Isbaaro waan ognahay faa’iida darrida ay keentay 20-kii sano ee aan ka soo gudubnay,dhimasho, dhaawac iyo bur bur ayay bulshada u horseeday, dowladdu ma ogala in isbaaro la dhigto oo shacabka lagu dhibaateeyo, marka sidaas halooga digtoonaado” ayuu Cabdullaahi Abyan Nuur markale yiri

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta, sidii xal waara loogu heli lahaa dhammaan caqabada ka taagan hubka sharci darada ah, kaasi oo  lid ku noqonaya sugidda ammaanka guud ahaan dalka, waxaana maalmihii la soo dhaafay ciidammada ammaanka ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan dad si sharci darro ah hubka uga ganacsanayey gudaha Muqdisho iyo sidoo kale tiro ka tirsan kooxaha nabad diidka ah ee Al shabaab oo ku jira gacanta dowladda, kuwaasi oo lagu soo qab qabtay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo ciidammada ka fuliyeen degmooyinka Gobolka Banaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com