Maqaal: Madaxda Majeerteen oo Gunnimo Caddaystay?! By Hiirad Keenadiid

0

gen-Cade-MuuseLondon(AGGM) Iyadoo horeba looga arkay ficillo tira-beel ah oo gunnimo madaxda beesha Majeerteen, ayaa haddana go’aanka u dambeeyey ee Faroole ku celiyey deeqdii Turkigu ugu deeqay dadka muslimiinta ah ee baahan kuna dhaqan Khaatumo State of Somalia, waxay Majeerteen ku caddaysteen gunnimo iyo  garasho la’aan. Weliba waqtigan oo lagu jiro xilli kheyr badan oo la soo soomay bishii Ramadaan, lana ciidayo ciidda barakaysan ee Ciidul-fitriga, oo muslimiinta baahan ay waajib rabbaaniya tahay in la caawiyo.

Falkan waxashnimo ee ay ku dheehan tahay cadaawad gaammurtay oo beelnimo/qabiil waa mid aan ku koobnayn faroole oo keliya, waxayse tahay talo xidhiidhsan  guud ahaan  cid kasta oo ay ka go’do talada beesha Majeerteen. Waxaana muuqata in beesha Majeerteen ay go’aan meel dhigatay ay fulinayso wax kasta oo dib-u-ridaya, burburinaya, wiiqaya, dullaynaya, ama saaxaddaba ka saaraya dadka reer Khaatumo haddii ay u suura-gelayso.

Waa Ilaahay mahaddii in Dhulbahante-hii cadawga ku ahaa qadiyadda dadka Khaatumo ee cadawga u adeegayey, geed dheer iyo mid gaabanna u fuulay burburinta Khaatumo iyo horumarka dadkeeda uu Ilaahay maanta kashifay, kuwaasoo ku andacoonayey in Majeerteen Dhulbahante wax u oggol yahay ee la hoos tago!!! Ku quuso qudhaanjooy!

Runtii maba aha in wax badan arrintan laga yidhaahdo waayo waa gunnimo sida qorraxda u cad waxa ay mar walba ku dhaqmayaan madaxda Majeerteen iyo cadaawadda ku wajahan dadka reer Khaatumo.

Gobi waa tii marna is disha, marna wax wada cunta oo qiimaysa marba xaaladda taagan, arrin walbana go’aankeeda ku saleeya waxa ay mudan tahay “case by case basis”. Gunse Ilaahay ayaa laga magan galaa. Gun kula jaar ah reer Khaatumooy ha la garto sidii loola dhaqmi lahaa “saxaro ul dheer ayaa la iskaga fogeeyaa”

Dhinaca kale, gunnimada Majeerteen waxay sii xoojinaysaa midnimada dadka Khaatumo iyo go’aankooda ah inay isku tashadaan, iyadoo Soomalidu ku maahmaahdo “Ceelna uma qodna ciidanna uma maqna”.

Waxaa Diyaariyey: Hiirad Keenadiid…

Afeef: Allgalgaduud mas’uul kama ahan aragtida qoraalkan iyo cinwaankiisa,Waxay Gaar U  Tahay Qoraaga Ku Saxeexan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com