Horjooge Axmed Madoobe Oo Qaatay Talladii IGAD Kana Tanaasulay Inuu Ku Dhawaaqo Golle Coomaadayaal Ah

0

deg-deg-muhiim19Kismaayo(AGGM) Sidii warbaahinta Allgalgaduud idin baahisay waxaa soo afmeermay kulankii Xubnaha ka socda IGAD iyo Horjoogaha Jabhadda Raaskambooni Axmed Madoobe kulankaasi oo ahaa inuu Axmed Madoobe ka tanaasulo ku dhawaaqis xubno cusub oo lagu magac daray COOMADEYAAL ama  Golle Wasiiro,waxaana uu u hogansamay Axmed Madoobe taladii loo jeediyey.

Xubnaha IGAD ka socday oo ka soo kala jeeday Wadamadda Itoobiya iyo Kiiniya ayaa digniin u jeediyey Axmed Madoobe uguna digay inuusan ku dhawaaqin golaha Wasiiradda ama COOMADAYASHA waxaana ay ku wargeliyeen haduu ku dhawaaqo inay iskaga dhex bixi doonana isaga iyo dawlada soomaaliya isla markaasna uu arki doono.

Gaar ahaan dawlada kiiniya ayaa sheegtey inaysan Axmed Madoobe tageero dambe u fidin doonin  hadii uu ku dhawaaqo golahaasi,waxaana la sheegay in Axmed Madoobe la siiyey waqti uu kaga fekero arrimahasi maadama ay maanta ku ekeyd waqtigii ay u qabteen kooxdii Jamaacada uu ku soo aruuriyey Axmed Madoobe inuu ku soo dhiso Golle Coomaadayaal ama Wasiiro.

Horjoogaha Jabhadda Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ka tanaasulay arrintasi isla markaasna uu waqtii la siiyey si fican uga fekeray,waxaana la sheegay inuu u hogaansamay inuu dawlada Soomaaliya wax kasta oo ay la timaado u hogaansamayo maadama ay wadamada ciidamadoodu ku sugan yihiin dalka Soomaaliya iyo dawladda federaalka ah go,aamo muqadas ah kala saxeexdeen.

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda uu warbaahinta u sheego beenihii u shaacin jirey. Weftigan ayaa lagu wadaa inay hadda dib ugu dulaan Magaalada Nairobi oo ay ka yimaadeen,waxaana talaabadaasi u eg tahay mid lagu guuleystey isla markaasna meesha ka saarey riwaayadii ay jileen Jabhadda Raaskambooni iyo Coomaadayaashi laga soo aruuriyey degaanada Gedo Iyo Jubbooyinku.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com