Ciidamada Dawladda Ee Gobolka Gedo Oo Mushahar Qaybin U Socoto.

0

gedo15Kismaayo(AGGM) Ciidamada dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ee ku hawlgala Gobolka Gedo ayaa maanta nasiib u yeeshay inay qaataan Mushaharkoodi,waxaana si habsami leh u socda qaybinta mushahaaradka ciidamada gobolka Gedo,waxaana mushahar qaybintaasi si baaxad leh uga socotaa fariisimaha kala duwan ee ciidamada dawladu ku leeyihiin degmooyinka gobolka Gedo.

Col Axmed Cabdulaahi Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey in mushahar bixintaasi ay ka socoto degaano ay ka mid yihiin Garbahaaray,Baladxaawo, Doolow & degaano kale oo badan,waxaana uu sheegay in sidoo kale ciidamada dawlada qaarkood loo qaybinayo direyska ciidamada.

Col Axmed Cabdulaahi Xirsi oo ah afhayeenka ciidamada dawlada ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay ciidamada dawladi si toos ah hadda u helaan mushaharkooda isla markaasna dawladu dadaal u gashay sidii ay wax badan uga qaban lahayd dhibaatada haysata ciidamada dawlada ee gobolka Gedo.

Sidoo kale waxaa uu shaaciyey inay ciidamada dawladu wali wadan hawlgaladda ka dhanka ah ee ay kula dagaalamayaan Alshabab,waxaana uu sheegay in ciidamada dawlada hadda qalabkooda ciidan uu dhameystiran yahay isla  markaasna doonayaan inay xoog kula wareegaan farisiimo ku harsan gacanta Alshabaab.

Ugu dambeyntii waxaa uu afhayeenku daboolka ka qaaday in dawladu xil gaar ah iska saartey sidii ciidamadaasi loo qalabeyn lahaa isla markaasna ay u hanaan lahayeen degaanadda ka baxsan gacanta ciidamada dawlada,waxaana uu sheegay ina maalmaha soo socda la wareegi doonaan farisiimaha Alshabaab ku sugan yihiin ee Baardheere iyo Buurdhuubo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com