Soomaaliya Yemen Oo Soo Dhaweysay Deeq Waxbarasho Oo Dawladu U Qorsheysay

0

somalida-yamanSanca(AGGM) Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayaa soo dhaweeyay deeqdii Waxbarasho ee dowlada Federaalka Soomaaliya u qoondeysay Qaxootiga ku nool dalkaasi.

Qunsulka guud ee Safaarada Soomaaliya u fadhiya Cadan Axmed Cabdi Xasan Sudani ayaa saxafadda u sheegay in Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Yemen ay aad ugu farxeen una soo dhaweeyeen deeqda waxbarasho ee dowlada Federaalka ah Soomaaliya u qorsheeysay Qaxootiga ku nool dalkaasi Yemen.

Axmed Sudaani oo hadlakiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in dowlada Federaalka Soomaali ay deeq waxbarasho oo ay ka heshay dalka Yemen ay Labaatan ka siisay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, taas oo ay aad ula dhaceen Qaxootiga,  iyagoo dowlada ku amaanay tallaabadaasi.

Sudani ayaa sidoo kale xusay in mas’uuliyiinta Safaaradu ay bilaabayaan qabashada araajida ardayda Soomaaliyeed ee doonaysa deeqdaasi waxbarasho isagoo tilmaamay iney qaadi doonaan imtixaanaadka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in arday farabadan oo Soomaaliyeed ay wax ka barato dalka Yemen.

Ugu dambeyntii waana markii ugu horreysay ee dowlada Soomaaliya iclaamiso in Labaatan xubnood ay u qorsheysay deeq waxbarasho oo dowladu ka heshay dalka Yemen, taasina waxa ay ad u rajo gelisay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com