Itoobiya Oo Shaacisay Inay Gacanta ku dhigtay Xoolo ONLF Ka Dhacday Dad Shacab Ah.

0

COOMAADIHargeysa (AGGM) Horgalka dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya  Cabdi Maxamed Cumar, ayaa sheegay in ciidammadda dawlad deegaanka Soomaalidu ay raacaan oo ay soo qabteen 1800 oo Neef oo adhi ah iyo 560 oo Neef oo Geel ah oo jabhadda ONLF ay ka dhaceen dad shacab ah.

Horjooguhu waxa uu sheegay inay xoolahaasi u celin doonaan dadkii masaakiinta ahaa ee jabhadaas nabad diidka ahi ka dhaceen.

“Waxaanu haynaa oo ciidammaddu raacaan 1800 oo Neef oo adhi ah iyo 560 Neef oo Geel ah oo ONLF ka dhacday dad shacab ah, waana arrin ka turjumaysa arxan darradda ay dadweynaha ku hayaan,”ayuu yidhi Horgal Cabdi Muxumed Cumar, oo salaadii ciidul fidiriga Khamiistii khudbad u jeedinayay Kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan Magaaladda Jig-jiga ee xarunta Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Xoolahaasi waxa gacanta ku haya oo raaca Ciidammadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu siin doonaa dadkii lahaa markay noo yimaadaan ee ay la soo baxaan, waanu dhaarrinaynaa,”ayuu yidhi Horgalku. Horgalku waxa uu ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya inay is caawiyaan oo dadka saboolka ahi dabka loo shido oo aan lagu daawan gaajadda, waxa uu sheegay in maamul ahaan ay dedaal u galeen horumarinta adeegyadda bulshadda. “Dawladihii Xayle Salaase iyo Mingiste hal ceel biyood lagama dhaxlin, horumarku waxa uu yimid intii Itoobiya uu ka hirgalay nidaamka dimuqraadiyaddu,”ayuu yidhi Horgal  Cabdi Maxamed Cumar, waxaanu intaas ku kabay hadalkiisa “Waxaannu noqon doonaa kabaha shacbigu ku socdaan oo waxaanu u shaqaynaynaa dadweynaha oo meel ay joogaanba ugu tagayno , waxaanan isku dayaynaa inaanu wax ka qabanno baahiyahoodda. Sanadkan waxaanu awooda saaraynaa horumarinta biyo soo saarka deegaanka Soomaalidda Itoobiya.”

Horgalahu waxa uu dadweynaha deegaankaas ugu baaqay inay ku dedaalaan inay noqdaan nabad-jireyaal isla markaana ay dhinac uga soo wada jeedsadaan kooxda nabad-diidka ah.

Horgalka dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya waxa uu tilmaamay in Somaliland ay tahay dal ay jaar yihiin oo xidhiidh wada shaqayneed ka dhaxeeyo.

Geesta kalena, waxa Telefishanka dawladda ee EST TV uu sheegay in munaasibadda Ciidul fidiriga ay kala qeyb galeen shacbiga dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya wefti ka socday dawladda Somaliland oo lagu soo marti qaaday inay la ciidaan, weftigaasi oo uu Hoggaaminayay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) isla markaana ay xubno ka ahaayeen Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo maal-gashiga Md. Bashiir Cabdi Xariir, Xoghayaha guud ee xisbiga talladda haya ee KULMIYE Mudane Xasan Siciid Yuusuf, La Taliyaha Madaxweynaha ee Gobolladda berri Md. Fu’aad Aadan Cadde, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Kalluumaysiga Md. Maxamed Cilmi (Ilkacase), iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha dibadda Md. Maxamed Xasan Siciid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com