Shilkii Diyaaradeed Ee Maanta Ka Dhacay Muqdisho ( Sawiro)

0

54Muqdisho(AGGM) Diyaarad ciidan oo  laga leeyahay dalka Ethopiya ayaa saaka  ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde xili ay ka soo caga dhiganeeysan Run-wayga ay diyaaraduhu ku soo degaan.

Mas’uuliyiinta garoonka ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in duuliyihii diyaaraha uu si qaldan u dajiyay diyaarada oo ay uu hal lug u saaray Ran-wayga garoonka lugta kala uu dhigay dhulka ka dibna uu dab ka dhashay diyaarada. Diyaarada ayaa gabi ahaan burburtay waxa jira qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadkii saarnaa. Howl maalmeedkii garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa la hakiyay ka dib shilkaasi diyaaradeed.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo gaadiidka C/Shakuur Cali Mire oo warbaahinta  kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in maanta la hakiyay howlihii garoonka oo aysan jirin wax diyaarad ah oo ka duulaya kana soo deganayo garoonka inta laga nadiifinayo waxyeelada uu sababay shilkaasi diyaaradeed.

Diyaaraddani ma  sidin wax Rakaab ee waxaa saarnaa oo kaliya lix ruux waxana la xaqiijiyay dhimashada Afar kamid ah halka laba kamid ahna dhaawacooda loogu qaaday Isbitaal.

Garoonka ayaa waxaa hada fadhiya diyaarado saaka soo dagey,iyadoo garoonka uu ahaa muddooyinkii ugu danbeeyay mid mashquul badan oo duulimaayo fara badan ka duuli jireen kana soo degan jireen.

2626384654113