Muqayilliintii Reer Muqdisho Oo Maanta Qaad La,aan Ba,an Soo Food Saartey

0

KhatMuqdisho(AGGM) Diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray magaalada Muqdisho ayaa maanta hakad galay, kadib markii saakay diyaarad milateri ay ku bur burtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qaad la’aan ayaa maanta ka jirta magaalada, iyadoo maalintii labaad oo Ciida ay tahay, garoonka diyaaradaha ayaa gebi ahaanba howlihiisa la hakiyay. Goobaha Qaadka lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid haawanaya, meelaha qaar ayaa lagu arkayaa Qaadkii shalay oo loo yaqaano Baarixi in qiimo aad u badan lagu iibinayo, halka muqayiliinta qaar aanay dooneyn in Qaadka baryay ay cunaan.

Diyaarada saaka ku bur burtay garoonka ayaa aheyd mid siday saanad milateri, waxaana diyaaradan laga lahaa dalka Itoobiya. Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya C/shakuur Cali Mire ayaa sheegay in hal maalin la hakiyay howlihii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sababo ku aadan bur burkii diyaaradii saaka.

Garoonka ayaa waxaa ku xayiran dhowr diyaarad oo ay ka mid tahay diyaarada Turkish Airlines oo saakay aroor hore soo caga dhigatay, ka hor inta aanay garoonka Muqdisho diyaarada Itoobiya laga lahaa ku bur burin. Qaadka Muqdisho la keeno ayaa loo gudbiyaa Gobolada Shabeelooyinka, hase ahaatee magaalada Baydhabo, Kismaayo, Beledweyn iyo deegaanada kale ee dalka ay diyaarado Qaadka sida ay ka soo degaan.

Ugu dambeyntii hadal heynta ugu badan ee magaalada Muqdisho ayaa maanta ah Qaad la’aanta ka jirta iyo Muqayiliinta oo ku dhacay marqaan jab, iyadoo maalintii labaad ee Ciida ay tahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com