Wakiilka Midowga Africa Ee Soomaaliya Oo Cambaareeyay Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho

0

AnnadifMuqdisho(AGGM) Wakiilka gaar ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamed Salex Annadif ayaa cambaareeyay qaraxyo xalay ka dhacay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhaawacmeen dad rayid ah.

Danjire Annadif ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah oo an waxba galabsan, wuxuuna ku tilmaamay qaraxyadan in ay muujinayaan raagdarrida Alshabaab iyo  colaada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Annadif  ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwo Amisom ay sii wadi doonaan dadaallada ay dalka uga sifeynayaan Alshabaab, isagoo sheegay in qaraxyadani ay ku soo beegmeen xilli la isku diyaaeinayo xuska sanadguuradii Labaad ee ka soo wareegtay markii Muqdisho laga saaray maleeshiyada Alshabaab.

Ugu dambeyntii dad rayid ah oo barakacayaal ah ayaa ku dhaawacmay Bambooyin ay maleeshiyadka Shabaab ku tuureen habeen hore qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com