Madaxweyne Qaybdiid Oo Tacsi U Diray Eheladii Cismaan Caato

0

2538Galkacayo(AGGM) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa tacsi tiiraanye leh u diray eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Cismaan Xasan Cali Caato oo shalay ku geeriyooday Muqdisho.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna Alle uga rajeeyay in Jannadii Fardowsa uu ka waraabiyo.

Madaxweynaha Glmudug ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iney iska cafiyaan marxuum Cismaan Caato maadaam uu muddo kusoo dhex jiray siyaasadda isagoo mar noqday mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Cismaan Xasan Cali Caato ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com