Gudoomiye Ku Xigeenkii Degmada Wardhiigley Oo La Dilay

0

1298Muqdisho(AGGM) Wararka Warbaahinta Allgalgaduud ka helayso degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir ayaa tibaaxaya in Mar dhaw degmadaasi lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii degmadaasi oo lagu Magacaabi jirey Axmed Gaab,waxaana la sheegay inay dilkiisa fuliyeen kooxo qoryo ku hubeysnaa.

Dilkan maanta loo geystey Axmed Gaab waxaa ka soo baxaya warar kala duwan iyadoo dadka qaarkood sheegayaan inay dileen kooxo ku hubeysnaa qoriga daran dooriga u dhaca ee AK47,waxaana sidoo kale la sheegayaa inay dhaawaceen laba ka mid ahaa ilaaladiisa,wararka qaarkood ayaa sheegaya in arrimo gaar ah loo dilay Masuulkaasi.

Ciidamada dawlada soomaliya ayaa la sheegay inay soo gaareen meesha dilkaasi ka dhacay,waxaana la shaaciyey inay ku guul dareysteen inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilkaasi ka dambeysay oo halkaas ka baxsaday,waxaana wararku sheegayaan dhawr qodob in loo dilay marxuumkaasi midkood ,in aano qabiil loo dilay & in Alshabaab ciidamada dawlada iska dhigey ay dilkaasi fuliyeen.

Axmed Gaab ayaa muddo ahaa gudoomiye ku xigeenka Degmada Wardhiigley isagoo ku xigeen u ahaa Deeqo Cabdulqaadir oo ah gudoomiyaha degmada Wardhiigley,waxaana la sheegay in Axmed Gaab uu ahaa nin ka adag shaqadiisa isla markaasna wax badan ka qabtey hawlaha amaanka ee degmada Wardhiigley.

Ugu dambeyntii ma jiraan cid ka tirsan dawlada federaalka ah ama Maamulka gobolka Banadir oo ka warbixiyey dilka Marxuumkaasi loogu geystey gudaha Magaalada Muqdisho,waxaana lagu wadaa in madaxda gobolka Banadir ay faahfaahin ka bixiyaan qaabka dilkaasi u dhacay iyo cidda ka dambeysay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com