Warbixin Qarxyadii Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay

0

Sanabka_muqdishoMuqdisho(AGGM) Faah faahin ayaa ka soo baxaya weeraro qaraxyo ah oo xalay hareeyay qeybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa kuwii ugu tirada badnaa ee mar kaliya dhaca. Ugu yaraan 10-ruux oo isugu jira dad rayid iyo askar ayaa qaraxyada ku dhaawacmay, waxaana qaraxyadan oo bilowday daqiiqado kadib afurkii uu ahaa mid saf mareen ah oo inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir uu ka dhacay.

Qaraxyada bambaano ayaa ka soo bilowday Isgoyska Ex Koontarool Afgooye oo ah halka looga baxo Muqdisho ilaa isgoyska Dabka ee Jidka Maka Al-Mukarama, iyadoo meelo kale oo degmooyinka waqooyi ay qaraxyo ka dhaceen. Meelaha qaraxyada ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Beerta jaadka oo ku dhow Jaamacadaha, Buulo Xuubey, nawaaxiga Isgoyska Dabka, Xamar weyne oo dhowr qarax ka dhaceen saldhiga iyo xarunta degmada, Xamar Jajab, Isgoyska Sanca iyo Afarta Jardiino iyo goobo kale.

Taliyaha saldhiga booliska degmada Xamar weyne Maxamed Dahir ayaa warbaahinta u sheegay in waxa xalay ka dhacay Xamar weyne aanay qaraxyo aheyn, balse ay ahaayeen madaafiic hoobiyeyaal lagu soo tuuray. Qaraxyadan ayaa lagu qiyaasay ilaa labaatan qarax oo ka kala dhacay saldhigyada ciidanka, isgoysyada iyo wadooyin, waxaana uu ahaa mid aad u qal qal geliyay dadka reer Muqdisho.

Ugu dambeyntii Ciidamada ayaa tan iyo xalay ahaa kuwo feejignaa, waxaana saaka lagu arkayay wadooyinka iyo isgoysyada oo ay dhinacyada taagnaayeen, iyadoo la baarayay gaadiidka kala duwan, dadkana laga soo dajinayay. Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha ammaanka dowladda, waxaana qaraxyadii xalay ay xumeynayaan muuqaalka magaalada oo xilliyada habeenkii ahaa mid camirnaa, hase ahaatee xalay dadka ay ka kala yaaceen goobihii ay isugu soo bixi jireen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com