Eng Yariisoow ”Waxaa Ahmiyad Gaar Ah Leh In Qodobadu Yihiin Qorshayaashii Dowladdu Rabtay”

0

yariisowMuqdisho(AGGM) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul usoo hooyatay ummadda Soomaaliyeed ku tilmaantay go’aannadii ka soo baxay Shir ay madaxda Dalalka Afrika ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ku  yeesheen Magaalada Kampala.

Afhayeenka madaxweynaha mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariiysoow oo wareeysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirkaasi lagu ammaanay dadaallada dowlada iyo horumarka ballaaran oo ay ka gaartay dhinacyada amniga iyo Siyaasadda.

Eng Ysriisow ayaa intaa ku daray in shirkaasi la iskula gartay in ciidamada AMISOM loo helo dhamaan tashiilaadkii ay u baahnaayeen iyo in ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya la habeeyo tababarrana la siiyo si ay mustaqbalka ula wareegaan ammaanka guud ee dalka.

‘’Go’aannada ka soo baxay shirka waa kuwo aad iyo aad u xoojinaya dadaalada dowlada,  iyadoo dowladu amaanka ka dhigatay muhiimada koobaad, in wadamadii noo soo gurmaday ay yeeshaan shir noocan ah ahmiyadiisa ayuu leeyahay’’ Sidaasi waxaa yiri Afhayeeenka Madaxweynaha Eng Yariisoow.

Afhayeenka ayaa hoosta  ka xariiqay in go’aannada ka soo baxay shirka ay yihiin qodobo ay dowladu  rabtay,  gaar ahaan dib u dhiska dalka,  teyeeynta ciidamada iyo sidii loo dhameystiri lahaa maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com