Dekadda & Garoonka Kismaayo Oo Ka Baxay Gacanta Kiiniya & Jabhadda Raaskambooni

0

axmed-madoobe1Kismaayo(AGGM) Kulankii shalay ku soo idlaaday Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa ahaa mid dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ay ka soo hoysay guul wax ku ool ah iyadoo kulankaasi dawladu ka qayb gashay la dhihi karro waa kulankii sida wayn dawladu danaheeda iyo aayaheeda ugu guuleysatey.

Mid ka mid ah go’aanada shirkii Kampala ee wadamada ciidamadda ka joogaan Soomaaliya ayaa ah in maamulka dekada iyo garoonka Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya.Waa qodobka 15aad ee go’aanadii kasoo baxay shirka oo ay goobjoog wada ahaayeen, islamarkaasina wada saxiixeen madaxweynayaasha Uganda, Kenya, Ethiopia, Burundi iyo Soomaaliya.

Waxaana Qodobkani Shaacinayaa Sidan:

15. Decided, in accordance with the Provisional Federal Constitution of Somalia, that the control of the Kismayo seaport and airport should be handed over to the Federal Government of Somalia (FGS);

Turjumaad

“Waxaan go’aansanay, inagoo tixraacayno dastuurka federaalka kumeelgaarka ah ee dowladda Soomaaliya, in maamulka dekada Kismaayo iyo garoonka lagu wareejiyo dowladda federaalka Soomaaliya”.

Sidoo kale waxaa jira qodobka kale oo caqabad ku noqday Jabhadda Raaskambooni iyo ciidamada Kiiniya kaasi oo ah in la dhaqan galiyo Cuno Qabateyntii la saarey dhoofinta dhuxusha dalka Soomaaliya,waxaana qodobkaasi lagu sheegay in ciddi mar dambe lagu helo arrimahaasi talaabo adag laga qaadi doono.

Madaxda waxa ay soo dhaweeyeen wadahadalada u socdo dowladda Federaalka iyo kooxaha isku haya goboladda Jubbooyinka, sida hadalka loo dhigey, waxaana halkani xusid mudan in afka laga dhowray ereybixinta ah “Jubbaland” . halkaasi waxaa lagu cadeeyey inaysan jirin wax la dhaho Jubbaland.

Sidoo kale waxaa dawlada federaalka ah ee Soomaaliya loo gacan baneeyey ama loo gacan saaray Maamul u sameynta degaanadeeda,waxaana lagu tilmaamay in dawladu xaq gaar ah u leedahay inay maamusho dhulkeeda isla markaasna dib u heshiisin u sameyso dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada Jubooyinka ee isku haya siyaasadda gobolladaasi.

Sidoo kale waxaa la tageeray in dawlada federaalka ah ee Soomaaliya maamulkeedda gaarsiiso gobolada Jubooyinka isla markaasna gacan buuxda lagu siiyo in amaanka goboladaasi dawladu xaqiijiso si nabad loogu soo dabaalo xaaladaha ka taagan gobolada Jubooyinka.

Dhinaca kale waxaa jira qodob sheegaya in ciidamo isku dhaf ah la geeyo gobolladda Jubooyinka,waxaana qodobkaasi laag dheehan karaa in ciidamo ka socda dawlada Itoobiya ay qayb ka noqdaan kuwa la geyn doono Magaalada Kismaayo si ay amaanka wax uga qabtaan,waxaana loo badaninaya in ciidamada itoobiya ee hadda Gedo ku sugan halkaas u soo ruqaansan doonaan.

Ugu dambeyntii Go,aamadan ayaa ah kuwo hilfaha loogu laabay Horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni,waxaana la dhihi karaa dhamaan beentii iyo borobogaandiid ay soo dhoodhoobeen waxaa looga tagey meel cidlo,waxaana talabadaasi noqoneysaa mid waji gabay ku ah saraakisha ciidamada kiiniya ee ku sugan kismaayo iyo jabhada Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com