Baashe Axmed Urur Oo Jabhadda Raaskambooni Dhaawac Culus Oo Gaarsiisay

0

dil-kismaayoKismaayo(AGGM) Jabhadda Raaskambooni ayaa si xawli ah u wada gumaadka iyo Afduubka ay ka wado Magaalada Kismaayo,waxaana saacadihii la soo dhaafay Magaalada Kismaayo ka dhacay dilal iyo afduub lala beegsanayo beelo gaar ah oo dega gobolada Jubooyinka,waxaana la sheegayaa in falkii ugu dambeeyey ahaan dhaawac culus oo la soo gaarsiiyey Baashe Axmed Urur.

Baashe Axmed Urur waxaa uu ahaa nin shacab ah oo ku noola Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda hoose waxaa uu hore uga tirsanaan jirey ururkii Maxkamadihi burburay ee dalka Soomaaliya,waxaana uu hadda Magaalada kismaayo ugu noolaa nin shacab ahaan ah.

Baashe ayaa la sheegay in koox ka tirsan Jabhadda Raaskambooni ay rasaas ku fureen isagoo wado maraya isla markaasna rasaastaasi ka haleeshay meelo badan oo jirkiisa,waxaana la sheegaya in xaaladihiisa caafimaad tahay mid halis ah isla markaasna rasaastaasi kaga dhacday dhinaca feedhaha iyo dhabarka.

Sidoo kale dhaawac Baashe Axmed Urur ayaa la sheegaya inuu ka horeyey afduub loo geystey Nin ganacsade ah oo lagu magacaabi Jirey Aadam Shiiray kaasi oo ay goob ganacsi oo uu ku lahaa Magaalada Kismaayo kala baxeen isla markaasna ilaa iyo hadda aan la aqoon meesha ay ula kaceen.

Ugu dambeyntii Xaaladan Baashe Axmed Urur ayaa la sheegayaa inay tahay mid halis ah isla markaasna waxaa laga dayrinayaan xaaladiisa caafimaad oo la sheegay inaan waxba loga qaban karin Magaalada Kismaayo maadama ay rasaastii lala dhacay qaarkeed ku jirto jirkiisa isna uu kooxo ku jiro.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com