Shirkii Madaxda Ciidamadoodu Joogaan Soomaaliya Oo Hadda Ka Furmaya Kamapala

0

EAC-meet-KampalaMuqdisho(AGGM) Magaalada Kampala ayaa waxaa maanta ka furmaya shir ay leeyihiin Madaxweynayaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kaasoo ah shirkii u horeeyay noociisa oo Madaxda dalalkaas isugu yimaadaan.

Shir horu dhac u ahaa kan madaxweynayaasha ayaa shalay waxaa yeeshay Wasiirada Arrimaha dibada, kaasoo ahaa mid uu albaabada u xirnaa, waxaana maanta shirka madaxweynayaasha la horgeynayaa ajandayaashii ka soo baxay kulankii shalay.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ah dalka ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya ayaa shirka gudoominaya, iyadoo si gaar ah looga hadli doono xaaladaha ammaanka iyo siyaasada.

Shirkan ayaa waxyaabaha kale ee looga hadlayo ka mid ah arrinta Kismaayo, kadib markii dowladda Soomaaliya ay kol hore ku eedeeysay Kenya inay ku lug laheyd dagaaladii Kismaayo, isla markaana dhinac ka mid ah kooxihii dagaalamay ay la safatay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin doona kulankan oo la xiriira arrimaha Ciidamada AMISOM, ammaanka iyo waxyaabihii u qabsoomay dowladiisa.

Wasiirka Arrimaha dibada Uganda ayaa sheegay in shirkan ahmiyadiisa aheyd sidii wada shaqeyn buuxa iyo iskaashi u dhex mari laheyd dalalka ay ciidamada ka joogaan, isla markaana loo ballaarin lahaa ciidamada ku sugan Soomaaliya.

Ugu dambeyntii shirkan ayaa lagu wadaa in war murtiyeed laga soo saaro, si wada jir ahna Madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya isugu muujiyaan kalsooni iyo iskaashi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com