Dhageysi: Taliyaha Ugu Sareya Ciidamada Masar Oo Cabasho Ka Muujiyey Dawlada Mareykanka

0

66B96F31-AFF2-453D-9F9F-45FDF7465D48_w268_r1_cx0_cy10_cw0Qaahira(AGGM) Madaxa ciidanka militariga ee Masar Cabdelfatax Al-Siisi ayaa si adag u dhaleeceeyey Maraykanka maaddaama uuna Maraykanku si cad u taageerin markii uu bishii hore xilka ka tuuray madaxweynihii dalkaas Maxamed Mursi.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey warbaahin ajnabi ah ayaa Mr. Al-Siis si caro ku jirto uu Wargeyska The Washington Post ugu sheegay in maamulka Obama uu “dhabarka u jeediyey dadka reer Masar, taasna ayna waligood ilaabaynin.”

Wareysiga oo shalay la daabacay, iyada oo Washington ay meel dhexe ka istaagtay dhibaatada siyaasadeed ee Masar, taas oo u dhaxaysa xukuumadda uu Mr. Al-Siisi taageero iyo Islaamiyiinta taageera madaxweynihii xilka laga tuuray ee M. Mursi.

Ugu dambeyntii Ururka Ikwaanul Muslimiinka ee uu ka tirsan yahay Mr. Mursi ayaa iyaguna dhinacooda dhaleeceeyey, maamulka Obama, oo ay ku eedeeyeen inuu ku raacay afgambigii madaxweynihii hore, kaas oo militarigu uu xilkaka tuuray 3dii bishii inna dhaaftay ee July.

[ca_audio url=”http://realaudio.rferl.org/voa/SO/2013/08/04/acb364dd-a7c8-4f23-ac69-3e014d995c70.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com