Dawladda Ereteriya Oo Markii Ugu Horeysay Shaacisay Inay Aqoonsan Tahay Dawlada Soomaaliya

0

0728Asmara(AGGM) Araya Desta oo ah danjiraha dawlada Ereteriya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa iftiimiyey in dawladoodu ay aqoonsan tahay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana hadalkani imaanayaa xilli hore oo dawlada Ereteriya ay shaacisay inaysan aqoonsaneyn dawlada Soomaliya.

Waxaana uu yiri isagoo u waramayey idaaacada VOA-da hadaladan ” axaan si buuxda u taageereynaa dadaalada nabadeed ee Xukuumada Soomaaliya, Eritrea waa aqoonsan tahay dowladda Soomaaliyeed”.

Araya Desta waxaa uu shaaciyey inaysan hore u aqoonsaneyn dawladii hore ee kmg ahayd,waxaana uu diirka ka qaaday inay hadda aqoonsan yihiin dawlada federaalka ah ee soomalaiya,waxaana uu sheegay inay dawlada hadda ay tahay mid u diyaar ah inay xal u hesho dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya.

Danjiraha Eritrea u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa albaabada u furay xiriir dowladiisa iyo Soomaaliya yeeshaan, inkastoo aanu sii faah faahin waxa uu noqonayo xiriirkaas, maadaama Eritrea ay go’doon ka tahay dalalka Gobolka.

Qaramada Midoobey ayaa dhowr jeer ku eedeysay Eritrea inay taageero milateri iyo mid dhaqaale ay siiso Al-Shabaab, iyadoo eedeymahaas ay mar walba gaashaanka ku dhufato, inkastoo dalkeeda horay loogu dhisay Isbaheysigii dib u xoreynta ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Ugu damebyntii Eritrea ayaa sanadkii 1994-tii madax banaanideeda ka qaadatay dalka Itoobiya oo ay colaad ay dad ku 70-kun oo ruux ku dhex martay xuduuda labada dhinac sanadkii 1998-dii, kadib markii ay isku khilaafeen dhulka Badhame oo horayatan Qaramada Midoobey u xukmisay Eritrea.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com