Amisom Oo Shaacisay Inay Baaritaano Ku Sameynayso Dilal Dad Rayid Ah Amisom U Geysatey

0

000_Par7014386_0Muqdisho(AGGM) Taliska ciidamada howlgalka Midowga Afirka ee Soomaaliya Amisom ayaa sheegay inay baarayaan dilka nin rayid ah oo ay askartoodu ku toogteen bannaanka hore ee xaruntooda Muqdisho.Waxaana u sheegay in baaritaanadaasi soconayaan inta xaqiiqda laga gaarayo.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Saalax Annadiif ayaa sheegay inay ka xun-yihiin dhacdadaasi, isagoo intaa ku daray in ay baaritaan ku sameyn doonaan sababaha keenay dilka darawalka loo geystay.

Warsaxafadeed ay Amisom soo saartay ayay ku sheegtay in shilkan uu ahaa mid dhacay xilli amar lagu siiyay darawalka dhintay oo waday gaari xamuul ah inuu joogsado, balse uu kusoo dhawaaday illinka hore ee xarunta ugu weyne ee Amisom ay ku leedahay Muqdisho ee Xalane, markas kaddibna uu askari ka tirsan ilaalada albaabka xabado digniin ah ku riday ka hor intii uusan taayarada gaariga toogan, laakiinse nasiib-darro xabbad dhulka ku dhacday ayaa haleeshay dawaralka, iyadoo dhaawac ahaanna loo geeyay Cisbitaalka Amisom halkaasoo uu ku geeriyooday.

Annadif wuxuu tilmaamay in Amisom ay maanka ku heyso mas’uuliyadda ka saaran yareynta waxyeellada rayidka xilliga ay howlgallada ku jiraan, isla markaana ay leeyihiin sharci cad oo arrintaasi ku saabsan.

Wuxuu u tacsiyeeyay qoyska iyo asxaabta marxuumka, isagoo tilmaamay in Amisom ay sii wadi doonto taageerada dowladda federaalka ee Soomaaliya si loo hubiyo ammaanka iyo badbaadada nolosha dadka Soomaalida.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com